Xidhiidhka Jamhuuriyada Jabuuti iyo Jamhuuriyada Somaliland

DP World Berbera Somaliland: Full Report & Latest News | SomalilandBiz
photo from : http://www.somalilandbiz.com/

Somaliland iyo Jabuuti waa laba dal oo ay ka dhaxayso midnimo iyo isku dhawaansho taariikhi ah oo aan cidina dafiri karin, mana aha kuwo la kala qaadi karo marka laga eego xidhiidhka walaalnimo,derisnimo, iyo dhaqanimo tani waa mid ay ogyihiin dadka caadiga ahi.

Jabuuti iyo Somaliland uma arko in uu ka dhexeeyo dagaal dhinaca dhaqaalaha ah taas macnaheedu waxaa uu yahay faa’iidada iyo horumarka dhinaca dhaqaalaha ah ee mid u soo kordha dalka kalana wuuu ka faa’iidayaa waayo waxaa jira iskaashi iyo isku dheelitir ku imanaya wax wada qabsi iyo istaageerid dhinaca dhaqaalaha ah. Waa jiri karaa ama waabu jiraa taratan dhinaca suuqyada ah oo u dhexeen kara labada dal balse hadii labada dalba hagaajiyaan barnaamujyadooda dhaqaale iyo mashaariicda horumarineyd yeeshaana iskaasha iyo wada shaqayn balaadhan oo ku aadan dhinacyada dhaqaalaha.nabadgelyada,dalxiiska iyo tiknoolajiyada casriga ah waxay bulshooyinkooda u abuurikaraan shaqooyin iyo nolol ka wanaagsan tan maanta.

Hadaba Xukuumada labada dal waxaa looga baahan yahay in ay kawada shaqeeyaan horumarinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, waana ay dawlada Jabuuti waxaa looga baahan yahay in ay wadashaqayn fiican la yeelato dawlada Somaliland weliba ay taageerto horumarka ka Socda daafaha Somaliland sida kor uqaadida iyo balaadhinta dekeda Berbera oo guul u ah dhamaan dadka afka Somalilga ku hadla oo dhan waayo wixii Somaliland horumar u soo kordha waa mid Somali guud ahaan u soo kordhey

sida ay u fikirayaan dadka aan khibrada u lahayn cilmiga dhaqaalaha waxay is odhan karaan Berberi waxay dhibaato ku tahay Dooraale balse labda dekedoodba waa kuwo iskaashanaya oo haysta suuqyo ku filan oo qaarada Afrika,Bariga dhexe iyo xitaa bariga fog adeegsanayaan oo la filayo in xitaa loo baahan doono dakada cusub oo hawlahaasi fududeeya waayo labda dekedoodba waa ku haysta suuq balaadhan.

Looma baahna arimo salka ku haya xasad,shaki iyo aragti aan cilmi ku dhisneyn oo Berbera horumarkeeda lagu durayo horumarka Somaliland waa horumarka Jabuuti horumarka Jabuutina waa horumarka Somaliland

Somaliland iyo Jabuuti xidhiidhkoodu waa mid ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi ku dhisan is qadarin iyo wax wadaqabsi kaas oo aaney siyaasiintu waxba ka bedeli karin si kasta oo ay u leexiyaan danaha dadka walaalaha ah.

Waxaa la gudboon siyaasiinta sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah.

A painting of a boat adorns the walls of an old house in Berbera, Somalia on Nov. 13, 2011. (Eric Lafforgue/Art In All Of Us/Corbis/Getty Images)