Somaliland Iyo Kenya waa laba dal oo waxbadan iska kaashan kara Faala Kooban

Dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo dalka Kenya waxa ay wadaagaan arimo badan oo taariikhi ah labada dal waxaay ka mid ahaayeen dalalkii Afrika ee Boqortooyada Engiriisku soo gumeysatey waxaana ay lahayeen gumeystaha ka hore xidhiidh ganacsi iyo mid wax wada qabsi dad badan oo reer Somaliland ah ayaa wakhtiyo kore degey wadanka Kenya.

Kenya oo ah wadan Dimoqraadi ah oo dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalahaba ka mid ah dalalka Afrika kuwa ugu horeeya dhinaca kana goboladiisa ay ka mid yihiin gobolo somaliyeed waxaa uu noqon karaa wadan waxtar weyn u yeesha guud ahaan Somalida waayo waa wadankii martigeliyey boqolaal kun oo qof oo Somaliya burburkii Somaliya waana wadankii lagu soo dhisay Dawlada Federalka ee Somaliya. Waa wadan mudan in lagu ixtiraamo sidii uu isku barbartaagey Somalidii Konfureed.

Hadana Waxaa muuqata inuu Somalilandna Wakhtigan uu rabo inuu sii xoojiyo walaalnimadii umada Somaliland iyo Kenya.

Siyaasad xumada iyo abuurista cadaawada ee dawlada fashilantey ee federalka Somaliya ee uu haadaanta ka tuurayo Mudane Farmaajo iyo kuwa la fikirka ahi waa mid tusaale u ah dub u dhaca aragtiyeed ee Farmaajo iyo la taliyaashiisa oo ah kuwii adeerkii Maxamed Siyaad Bare Jarka ka tuuray talada qaldana siin jirey ayuu isku xeeray taasina waa tan keentey inuu kolba gidaar isku qaado oo taladiisu uun noqoto aargoosi iyo kelitalisnimo kaas oo ay istustey inuu 21 sano iyo in kabanba uu Somaliya u talindoono riyooyinkaasi waa kuwa uu kolba dal umadiisa korumarkeeda ka shaqeenaya uu iskugu qaadayo sida Kenya.

Caalamku waa ka dheregsan yahay oo war kuma seegna Vila Somalia iyo Farmaajo dhibta ay ku hayaan umada Somaliyeed guud ahaan gaar ahaa reer Muqdisho.