SARYAN MUSEUM IYO ARAGTIDEYDA

MiG Jet, Hargeysa, Somalia

Ugu horey hadii aynu si cilmiya u gorfeyno (scientific-analytical) waxaa uu yahay Madxaf(Museum) iyo waxaa loola jeedo in lagaga faa’iideysto waxaa aynu ku soo ururinkarnaa:

1- Museum ku waa hayad daryeesha ururinta farshaxanka iyo waxyaabaha kale ee dhaqanka,taariikhda ama cilmiga sayniska ee qaran muhiim u ah.

Aqoon Yahan/Mujaahid Siciid Shugri Xuseen waxa uu yahay Gudoomiyaha Madxafka Saryan Museum oo Noqonaya Madxafkii ugu Horeeyay ee Somaliland Laga Hirgaliyay.

Madxafka Saryan museum oo ah kii ugu horey ee laga aas aaso Somaliland waxaa la aas aasey sanadkii 2017 waad garan gartaa in uu mudo yar uun uu jirey oo saddex sano uun lagu qiyaasi karo waxaana aas aasey aqoon yahan Siciid shugri Xuseen oo taariikh weyn ku leh dalkan Somaliland umada iyo dalkana wax weyn u qabtey ahna shaqsi ku sifeysan Jaceylka dalkisa iyo Dadkiisa. Arintaa waxaa markhaati u ah halka ay dadku kaga fikirayaan dantooda gaara waxaa uu isagu kaga fikirey danta guud waayo halgabkii shaqadiisa dhaqaalihii uu ka helay ayuu ku dhisay oo uu ku maalgeliyey Museum kan oo lagu ururinayo,farshaxanka,dhaqanka,halganka,ilbaxnimada,taariikhda iyo sayniska Somaliland, sideedaba Museumka looma abuuro dhaqaale ku helid balse waa meel lagu xafido sooyaalka iyo xadaradaha nololeed ee umadeed. Intaas hadii aan kaga baxo horudhacaas yare bal aan isku dayo guud ahaan inaan ka hadlo museum ku waxaa uu yahay.

Saryan Museum, Hargeysa, Somalia

Waa Maxay ujeedada Meuseum ka loo dhisaa?

Ujeedada Museum loo dhisaa waa in lagu ururiyo, lagu turjumo oo lagu soo bandhigo Farshanka,Dhaqanka ama Muhiimada Sayniska ee Waxbarashada dadweynaha (Public). Museum yada waa hay’ado loo abuurey danta guud (in Public interst)

Museumka iyo ardayda:

Museum ku waa goob waxbarasho waxaa socdaalo gaagaban lagu geeyaa ardeyda dugsi hoose ilaa Jamicad waxay ka soo faa’iidaan duruus aad u muhiima iyo fahan balaadhan oo la xidhiidha manhajkooda wax barasho,hadii ay noqoto farshan,taariikh iyo cilmiga iyo farsamada sayniska intaba.

Museumka Waxaa kale oo soo siyaarta dalxiisayaasha iyo dadweynaha kale ee wadanka iyaga oo iyaguna ka faa’iideysta taariikh,farshaxan,culuun kala duwan iyo fahanka asalka dalalka leh taariikhahaasi, Museumka waxaad kala kulmaysaa khuburo iyo dad si fiican kaga jawaaba su’aalaha la xidhiidha wax yaabaha la yaabka leh ee aad masxafka ku aragtid.

Waa goob lagu soo bandhigayo kaydka umada ee dhinacyada taariikhda ee umadaadsi hateytahay farshaxankoodii,tariikhdoodii,cilmiga sayniska,dhaqaalaha ,farsamada.siyaasada, dagaalada iyo dhamaanba asraartii umadaasi ama caalamkaba.

Museum ku wuxuu qaab ka yahay taariikhda iyo dalkiisa deegaanka uu ku yaalo waana meel muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha ee ganacsiyada u dhow waayo dadka soo bookhanayaa waxay camirayaan meheradaha ka agdhow oo ay wax ka iibsadaan, Sidaa awgeed waxaa muhiima in ganacsataduna gacan ka geesato taageerida mesuem ka sida kan hargeysa ee Saryan Museum oo kale.

Waxaa la ogaadey in Museum ku kordhiyo luqadaha iyo Xirfadaha loo yaqaan (critical thinking skills) ee ardeyda booqashada ku tagta Museum ka Sidaa darteed waxaa muhiima in schooladu ardaydooda u qorsheeyaan inay socdaalo gaagaban ugu baxaan soo booqashada museum ka sida kan hargeysa (Saryan Museum) oo ay waxbadan ka kororsan karaan.

Maa kuma Museumka aduunka ugu da weyn ?

Capitoline Museums ayaa ah museumka ugu daweyn aduunka

Museumkii ugu horeeyey ee aduunka waxaa laga furey Europe gudaheeda wakhtigii loo yaqaaney Age of Enlightenment :

1- Museo Sacro waxaa laga furey Roma 1756

2- British Museum ayaa la dhisay 1753 kii waxaa dadka loo furey 1759.

Waxaa kale oo Jira Museum yo badan oo Caalamka ku Taxan . Dad badan oo booqasho ku tegey waxay ii sheegeen in ay ka heley Museumka Saryan uu yahayna mid casri ah lana tartami kara ugu wadamada hore uga maray dhinaca dhaqaalaha. Aniga laftigeygu waxaa aan ka mid ahay dadka booqashada ku tegey Museumka waxaana isoo jiitey qaabka uu u qalabeysan yahay iyo macluumaadka dhexyaala museumkan casriga ah. Waxaanse tabayey kaalintii Somalilanderka ee Madxafka oo aan halkaa ka muuqan hadii ay tahay dawlada Somaliland ganacsatada,iyo hayadaha waxbarshada,dalxiiska,warfaafinta iyo dhaqanka oo iyagu waxbadan ka faa’iidilahaa madxafkan Saryan Museum hadii ay taageeri lahaayeen.

Anigu shaqsi ahaan waan ka soo sheqeeyey museum waaweyn Sida Science Museum, A&V and AF Sidaa awgeed waan fahmi karaa kaalinta weyn ee museum yadu kaga jiraan fahanka iyo taariikhda umadaha iyo waliba horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo dalxiiska wadamada.

halkan hoose ka eeg wakhtiyada aad booqan kartid museumkan saryan oo uu furan yahay sida aan ka soo xigtey museumka site kiisa.

Recommended duration2 hoursHours

Sunday08 – 12
MondayClosed
Tuesday08 – 12
WednesdayClosed
Thursday08 – 12
FridayClosed
SaturdayClosed

Contact

Shacab Area,
Near Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,
Shacabka Near Abaarso Tech University,
Hargeysa Somaliland

+252 63 4409399

Waxaa diyaariyey maqaalkan kooban :

M J Farah BA, BEng, level 6 dip FM and Level 7 Dip M&L