Skip to content

January 5, 2021

WAA ARIN LALA YAABO WARKAN UJEEDADA KA DAMBEYSA MA DHABAA MISE WAA BEEN ABUUR HALIS AH

by M J Farah

Maanta waxaa la jooga wakhtigii beentu aanay heli karin meel ay ku dhuumato technology casriga ahi waxay fududeysey in si fudud loo ogaado war kasta oo la been abuuro in si fudud loo fashili karo adiguba baadh oo noo sheeg wakhtiga uu qorey maqaalkan hadhwanaagnews inoo sheegtey in uu qorey wergeyska New York Times .Waxaa laga rabaa hadhwanaagnews in ay noo soo bandhigaan maqaalkaasi ay sheegayaan cadadkiisa wakhtiga uu soo baxay taariikh ahaan iyo koobi ka mid ah maqaalkaas oo asal ah,arintaasi ayaa dadka reer Somaliland uga fadhiyaan hadhwanaagnews.com oo daabacdey maqaalkan hoose ku qoran.

Hargeisa(HWN):-Wargeyska New York Times oo sheegay in xannuunka Covid-19 uu Somaliland dadka ugu laynaayo si Aamusnaan ah.Xaaladda Somaliland ee Xannuunka Coronavirus ayaa laga dayriyay,iyadoo aanay jirin Warbixino la xidhiidha xaaladda Xannuunka ee xilligan Somaliland iyo heerka uu maraayo.

Uganda Confirms 1 new Covid-19 Case - Ministry of Health | Government of Uganda

Wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa warbixin la xidhiidha arrinta xannuunka Covid-19 ka qoray Somaliland,waxaannu daabacay warbixin uu kaga hadlayo Cusbitaalka kaliya ee Hargaysa lagu dabiibo dadka uu asiibo Xannuunka Covid-19.
“Qiyaas ahaan Boqolkiiba Sideetan Bukaannada laga helo Covid-19 ee Cusbitaalka guud ee Hargeysi u soo gudbiyo Daryeel Hospital nooma yimaadaan,guryahooda ayay ku dhintaan” Sidaa waxaa wargeyska New York Times u sheegay Dr.Yusuf Maxamed Axmed oo ka hawl-gala Daryeel Hospital.
Waxa uu intaasi raaciyay in Xannuunka Coronavirus dadka aamusnaan ku laayay, iyadoo ay Guryahoodda ku Dhimanayaan sida uu sheegay.”Hadda Virus-ku dadka aamusnaan buu ku laynayaa”ayuu sheegay Dr. Yuusuf Maxamed Axmed oo la hadlaayay Wargeyska.
Randa Xasan Maxamed oo ah Kalkaaliso Caafimaad oo ka shaqaysa Cusbitaalka Daryeel Hospital ee magaalada Hargeisa ayaa Bukaan qabay Xannuunka Covid-19 dibedda uga saartay Cusbitaalka, iyadoo ka saartay Qolkii uu jiifay,si uu u helo Hawada dabiiciga ah iyo cadceeda, taasoo qayb ka ah dedaallada lagu samato-bixinayo dadka Xannuunkaasi ku haleelo gudaha Somaliland.
Wargeysku waxa kale oo uu hadal qaaday tacsida badan ee bogagga Baraha bulshada daadsan,taasi oo uu tilmaan uga dhigaayo tiro badnida geerida.”COVID19 waxa uu la soo laabtay aar-gudasho” ayuu sheegay wargeyska oo soo xiganaya dad uu waraystay.
Dr.Xuseen Cabdillaahi Cali ayaa Wargeyska u sheegay in dhibaatooyinka u waawayn ee Somaliland ka jira ay ka mid tahay in dadka Cusbitaalka la geeyo marka ugu danbeysa ee Bukaanku uu ku jiro xaalada hakis ah oo aan waxba laga qaban karin.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: