WAA MAXAY SABABTA SOMALIDA KONFUREED UGU FASHILANTEY DAWLADNIMADA?

Su’aashan jawaabteedu waa mid u baahan in si cilmi ah loo darso si loo helo jawaab ku haboon.

Sida ay qabaan dadka wax ka qora somaliya waxay qabaan in Somaliya in ay noqoto dal fashilmay waxaa u sabab ah:

  1. Kala qaybintii gumeystayaashii reer yurub ee kala qaybiyey Somalida
  2. Kala duwanaanshaha nidaamkii gumeysigii Talyaaniga iyo Ingiriiska
  3. Dagaalkii qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka oo Somaliya ku hirdamayey

Balse anigu waxaan qabaa in arimahaasi aaney ahayn arinta ugu weyn ee Somaliya ka dhigay Dawlad Fashilantey balse arinta ugu weyni ee saldhiga u ahaa fashilka Somalida waxaa ka mid ah kuwan:

  1. Hogaamintii kelitaliska ahaa ee Maxamed Siyaad Bare oo khaladkiisii faraha badnaa ee hogaamintiisu sababtey kala fogeynta iyo isnacbeysiga dadka somaliyeed cadeyn waxaa u ah jiritaanka arintan
  2. Wuxuu dalka ku qabsadey xoog iyo inqilaab.
  3. Wuxuu xabsiga u taxaabey siyaasintii dawladii sharciga ahayd ee dalka
  4. Wuxuu uu dhiiga dhegta u daray   3 July 1972 saraakiishii sare ee afgambiga la sameysey sida Caynaashe,Salaad Gabayre iyo Cabdiqadir Dheel.
  5. Waxaa Kale oo Dawladnimada Somaliya Godka u dheereeyey Xasuuqii Culimadii Diinta eek a hor yimi xeerkii qoyska.
  6. Barakiciintii Dadkii Somaliyeed gobolada dhexe Somaliya
  7. Xasuuqii dadka reer Waqooyiga ee Somaliland
  8. Xasuuqii Jasiira ee Dhalinyaradii iyo aqoonyahanadii reer Somaliland

Arimahaasi iyo kuwo kale oo badan waxay yihiin kuwo sahley ama sabab u ahaa dawladnimada Somaliya laga soo bilaabo 1969 kii ilaa 1991.

  • Qalaasihii siyaasadeed ee burburkii Taliskii Maxamed Siyaad Bare
  • January 1991 ayaa uu soo gabagaboowdey xukunkii 21 sanadood ee kelitaliyihii Siyaad Bare balse siduu qorshahiisu ahaa waxaa uu kiciyey korankoradii uu dhalay kuwaas oo dilaacay bilaabayna in uu hawlgeliyo.
  • Maxamed Siyaad Bare wuxuu isku dayey in uu xukunkii ku soo laabto waxaanu dagaalo ka abaabulay degaanadii uu u dhashay iyaga isaga oo ku doodaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Somaliya waxaana markale uu daadiyey dhiig dad somaliyeed isaga oo sameeyey barakicimo iyo gumaad hore leh oo sameenta u badan ay ku dhacdey dadkii gobolada bay bakool iyo gedo eek a soo jeedey qabiladii Digil iyo Midhifle
  • Kuwii ku suntanaa Gacan ku dhiiglayaasha ee xasuuqa ka geystey Somaliland waxay is tuseen in ay wajahayaan cadalad caalamiya hadii dalka ka baxaan sidaa darteed waxay doorbideen in ay magansadaa qabiilooyinkoodii oo ay dagaalo sokeeye oo horleh dalka dhaxdiisa ka curiyaan kana sii wadaan halkii ay dalalka dibada u doonaan lahayeen magan galyo qaxooti waxaa tusaale fiican kugu filan Gen.Moorgan iyo kuwo kaleba waxay sii wadeen xasuuqii iyo abaabulkii dagaaladii sokeeye.
  • Tartankii Talada dalka ee ururkii USC ee Cali Mahdi iyo Gen.Caydiid iyo ka faa’iideysigii hadhaagii Siyaad Bare oo soo kala dhexgalay tartankaa xukunka iyaga halkaa ka helay meel ay ku nabadgalaan noqdaana xoog si qarsoon iyo si muuqataba uga arimiya Somaliya,gacana ku yeesha taladii dalkii ay iyagu baabiiyeen iyaga oo dhufeyska weyn ka helay Cali Mahdi oo isagu aminsanaa in uu sidaasi dantiisa ku jirto.
  • Ka faaiideysigii xaalada ee xoogagii kala duwanaa ee gudaha iyo debeda :

Markii ay kala guuleysan waayeen Cali Mahdi iyo Caydiid waxaa meesha ka baxay amaankii guud ee Somalidii Talyanigu gumeysan Jirey waxaana soo shaacbaxay xoogag kale oo isku dayayey iney buuxiyaan kaalintii dowladnimo sida:

  1. Ururadii diimaha
  2. Hogaamiyaal kooxayaal (warlords)
  3. Dawladii Jaarka la ahaa Somaliya
  4. Dalalkii danaha ka lahaa Somaliya
  5. Bulshada caalamka

Kuwaas oo faragelintoodii ka dhigtey in arintii somaliyada konfureed noqoto mid sii murugtey.

Dadaalo badan ka dib waxay u muuqatey in ugu dambeyntii Somaliya gaar ahaan Konfurtu isku raacdey in ay Sameystaan oo loo sameeyo nidaam dawladeed oo ku dhisan federal taas oo heerar kala duwan soo martey ilaa maanta oo shan dawlad goboleed ka dhisan yihiin kuwaas oo kala ah:

  • Puntland
  • Jubaland
  • Konfur galbeed
  • Galmudug
  • Hirshabeele

Hadaba Waa maxay guuldarada balaadhan ee hortaagan in Somaliya ka soo kabato dawlada fashilnatey?

Marka run laga sheego arintan waxaa sabab u ah dhowr arimood oo la aantood xal iyo guul in laga gaadhaa ay tahay calaal timo ka soo baxaan kuwaas oo ah:

  1. Dib u heshiisiin dhab ah oo Somaliya ka Dhacda
  2. Arinta Somaliya oo lagu saleeyo xaqiiqada ah midnimadii labada gobol ee midoobey 1960 kuwaas oo si xor ah oo iskooda iskugu biirey weliba gobolada waqooyi ahaayeen kuwii hormoodka ka ahaa midnimada imikana somalida iyo Caalamka ixtiraamaan rabitaankooda.
  3. In Maxkamad iyo garsoor caalamiya loo qorsheeyo dadkii masuulka ka ahaa xasuuqii arxandarada ahaa ee dawladii somaliya ee somaliya uu hogaaminayey maxamed siyaad bare hogaaminayey
  4. In Dawlada federalka ah ee  uu hogaaminayo Maxamed Cabdilahi Farmaajo baadhis lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqda adamaha ka dhanka ah ee ay geesatey mudadii ay xilka ahaysey lagulana xisaabtamo iyada oo muuqato arimo cadeyn u ah inuu yahay madaxweynihii labaad ee somaliya Soo mara ee xasuuq geestey isga oo hogaaminaya dawlad caalamku aqoonsan yahay tusaale xasuuqii baydhabo,weererkii gurigii Cabdishakuur, wererkii gabahaarey iyo isku soo bixii musharihiiinta ee bishii feb.21 kuwaasi waa kuwo u baahan baadhis caalamiya.

Arimahaasi waxay xal u noqonayaan helida jid loo maro dib udhisida Somaliya oo heli karta fursad dawladnimo oo ka baxda dawladnimo faashilan.