GARBAHAADLEY GAASHO IYO OON BAA LAAGU DHAMAANAYAA FARMAAJANA CASIIRKA AYUU KU JAQAYAA MADAXTOOYADII SOMALIYA

Abaaro iyo Biyo la'aan ka jira Gobolka Gedo | KEYDMEDIA ONLINE

Maxamed Cabdilahi Farmaajo isaga oo madaxweynaha Somaliya ah, ayaa gobolkii uu ka soo jeeday haraad iyo gaajo loogu dhamaanayaa isna lacagtii uu urursadey ayuu doorasho rabaa in uu ku galo.

Kolkaa hadii aynu aaminsanahay qabyaalad oo aynu cid ugu sacab tumeyno waxaa ina horyaal xaqiiqo uu Allah swt wax inagu tusayo oo ah damiir laawanimada Siyaasiinta Somaliyeed oo xitaa kuwa ay isku reerka yihiin aan u naxaynin marka ay dhibaato qabsato balse marka ay timaado baahida kursigooda waxaynu ugu dagaalamaynaa reernimo hadaba Somaliyey ogaada reernimada Siyaasigu waa waxba kama jiraan iyo dantiisa oo qudha xitaa kama uu hadal baaq umuu dirin caalamka booyado biyo ah umuu waayin oo loo gu gurmado.

Allgedo.com » Gobolka Gedo Maxaa loo hilmaamay? (Daawo sawiro ka tarjumaya  Abaaraha iyo Macaluusha ka taagan gobolka Gedo)

Dadka Somaliyeed ee iyo dawlada Somaliland iyo dawlada Jabuuti waxaa aan ugu baaqayaa in dadkaa Somaliyeed ee abaaruhu ku habsadeen in ay u gurmadaan ee dawlad la’aantuna hayso caalamkana ugu dirtaan baaq ileyn dawlad somaliyeed oo xora idinkaa jira ee( Republic of Djibouti and Republic of Somaliland).

Daawo:Abaaraha ka Jira Gobolka Gedo oo ka sii Daraya – Gedo Times

Muuqaaladaasi waa dadka ay abaaruhu ku dhufteen waxaana la sheegayaa in ay haraad u dhinteen ilaa dad gaadhaya 8 qof inta la xaqiijiyey. Umada Muslimiinta ah iyo dhamaan shacabka naxariista badan ee somaliyeed waa in loo gurmadaa dadkaa somaliyeed.