SOMALIYA IYO GOLAHA AMAANKA RUN MISE BEEN Q.2AAD

golaha amaanku og yahay oo waliba taagerayo xubnaha geesanaya tusaale waxaa kugu filan arintii Baydhabo ee lawada ogaa iyo Abdiraxamaan cabdishakuur wareerkii gurigiisa lagu qaadey laguna laayey wax badan ka akhri Dowladda Soomaaliya oo ku amartay Nicholas Haysom inuu dalka ka baxo – BBC News Somali.

Arintaas oo uu madaxweynaha hada wakhtigiisu dhamaadey uga dan lahaa in aan caalamku ka hadal dhibaatadaas uu isagu geystey.

Waxaa muuqata in bulshadu caalamku ama golaha amaanku ee UN tu ku guuldareysteen in maamulka loo dhisayo Somaliya laga fogeeyo dadkii galey dambiyada dagaal kuwii xaquuqda adamaha ku xad gudbey.Taasi waa sababta xalka loogu la yahay in somaliya cagaheeda isku taagto weligeedna horumar laga gaadhimaayo ilaa lala xisaabtamo kuwii galey dambiyada ka dhanka ah aadamaha si looga hortago kuwa aan caqliga lahayn ee maanta raba iney ku daydaan falalkii kuwii hore.

Waxaa mudan in Maxamed Cabdilahi Farmaajo golaha amaanku kula xisaabtamaan wuxuu geestey intii uu Somalida Muqdisho maamulayey.

2- Somaliland Arinteeda waa in Golaha Amaanku damaanad qaadaan xuquuqda dadkeedu u lee yihiin in ay rabitaankeeda ku meel maraan oo si madaxbanaan loola macaamilo waayo Somaliland iyo Somaliya si ikhtiyaara ayey ku midoobeen imikana sidii ayey u kala baxeen sidaa darteena waa in xalkeeda laga dhigaa wajiga labaad ee arimaha Somaliya markii dawlad Somaliyeed oo la soo doortey ka soo baxdo konfurta in Somaliland wada hadal wada galaan oo Somalidu ka heshiiyaan arimahooda taasna ay noqotaa arinta ay caalamku gacanta ka geystaan.

lasoco…