BULSHADA CAALAMKA MAXAA KA HORTAAGAN IN AY RUNTA U SHEEGAAN CIDA SOMALIYA QASEYSA?

Waxaa iska cad in bulshada caalamka xoolo,wakhti iyo xoogba kaga baxay taageerida Somalida Konfureed xoolahaasi oo inta badan aan gaadhin dadka aadka ugu baahan ee Somaliyeed balse magaceedu raacay oo la lee yahay Somaliya ayaa bilayiin doolar lagu caawiyey.

Somaliya dawladnimadeedu waxay ka koobney labadii gobo lee midoobey 1960 bishii July 1 keedii.

Midowgii Somaliya ee reer waqooyigu keeneen reer koonfureedkuna qaateen mafaceedii waxaa lagu kala noqdey 18 May 1991.

Taas oo dadka reer waqooyigu dhisteen dawladnimo si fiican ay ugu reeyeen oo ay habaaska ka tumeen magacii hore loogu yaqaaney ee Somaliland reer koonfureedkuna u yaqaaneen Somalileynka.

Caalamku wuxuu xoog iyo xoolo iskugu geeyey Koonfurta oo iyagu tashan waayey halka reer Somaliland oo iyagu isku tashadey isna nabadgeliyey ku talaabsadeen horumar nabadgelyo iyo dhismo dawlad curdin ah oo caalamkuna marka laga reebo dhowr dal oo ugu horeeyo boqortooyada Engiriisku tageero u fidiyeen dhinaca dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maamul wanaaga tababarada iwm.Halka dalka Emirates (UAE) uu ku dhiiradey in uu maalgashado.

Hadaba caalamka waxaa la gudboon in ay siyaasadooda ku aadan Somaliaya dib u eegid lagu sameeyo iyada oo la soo gaadhey wakhtigii maskaxdu shaqayn lahayd iyada oo laga ambaqaadayo xaqiiqada oo aan indhaha laga weecin runta la iskuna dilin Somalidan Konfureed ee Siyaasiintoodu talo keeni la yihiin

Aniga oo si fiican u darsey xaalada Somalida inbadana isku taxaluujiyey bal in aan fahmo dhibaada iyo xalka arimaha Somalida waxaa odhan lahaa sidan:

Somaliya iyo qalalaasaha hada ee haydaha dawlada ee isla quusey

Hayadihii dawlada ee Dawlada federalka ahi waa kuwo isla quusey oo bad gunteed galey arintaasina waxaa sababey

  1. Damaca Maxamed Cabdilahi Farmaajo iyo Saaxiibadii oo xisaab qaldan isku geestey kaas oo qorsheystey in uu xukunka dalkii Somaliya isagu ku nagaado,xoogna ku haysto isaga oo aan ka fikirin dibna u eegin wixii 30 sano ee u dambeyey iyo 21 kii ka horeyey casharadii laga bartey siyaasdad,dhaqanka,dhaqaalaha iyo abniga ee loolankii kursi ku nagaashaha iyo halkii uu Somali geeyey Damaca aan caqliga lagu darin.
  2. Dawlado danahooda gaarka ah u arka in Somaliya qaskaasi ugu badaneyso oo faa’iidadu ugu jirto Somaliya oo dalna ahayn dawladna ahayn balse sii ahata mashruuc caalamiya oo lagu shaqeysto.
  3. Dadkii Aqoonta iimaanka,akhlaaqda, wadaniyiinta lahaa ee Somaliyeed oo laga fogeeyey siyaasada Somalida taas bedelkeedana Calool u shaqeeystayaal aan dad iyo daltoona dank a lahayn loo dhiibey masuuliyadii iyo masiirkii umada Somaliyeed.

Arimahaasi waa kuwa dhulka jiiday Sharaftii dawladnimadii Somaliyeed.

Hadaba eeda ay wax ka socon la yihiin looma wada sina ee bulshada Caalamku laba mid baa u banaan balse mid saddexaad meesha kuma jirto waxaa ay yihiin labadaa arimood:

a) In eeda lama wada lahee runta loo sheego Maxamed Cabdilahi Farmaajo iyo Saaxiibadii oo la yidhaado wakhtigii waa idinka dhacay idinkaana iska ridey ee Somalida dawladnimadeeda iskaga baxa oo jidkaa ka mara inta aad wakhtigu idinka dhicin Somalidu hatashatee.

b) In aad isku fasaxdaan Somalida oo iyagu xalka loo daayo kii xoog rooni talada ha u hadhee.

Wixii intaas ahayni waa xal sanado badan qaadandoona, gacan in ay isasaaraana ka fursanmeyso.

Balse aniga waxaa ila muuqataa in i) tahay xalka ugu haboon waayo Farmaajo isaga ayaa fudude la la gelbiyo oo beesha caalamku runta ha u sheegto dadka Somaliyeed farmaajo way tijaabiyeen sidii ay moodayeen wuu noqon waayaye hadii uu idinka diidana inuu iska huleelo waxaa u furtaan galdacwadeedka wixii uu xasuuq geestey iley faylashiisa waydin haysaane.

Lasoco qaybaha dambe…….