IDIN KALA GARAN MAYNO EE IS CADEEYA(BULSHADA CAALAMKOOW)

Caalamku waa arkayaan Somalilander ku sidey u muujiyeen in ay ka go’antahay in ay dib u dhisaan dalkooda iyo iney doortaan dadkii majaraha hogaamineyd u qabandoona masiirkooda somalilanderku waxay dhisteen dalkoodii la burburiyey waxay dhayeen dhawacyadii iyo iska horkeenkii dadka reer somaliland uu ku abuurey mamuladii kala dambeeyey ee Jamhuuriyadii Somaliya.

Somaliland waxay dalalka caalamka ku lee dahay waxaa la soo gaadhey wakhtigii aad is cadeyn lahaydeen in aad tihiin kuwo dhab ka tahay Dimoqraadiyada in aad taageeraysaan ficil iyo qowlba iyo in aad afka uu ka sheegtaan domoqraadiyada ayaanu taageeranaa waayo hadii dhab idinka tahay xoojinta iyo u hiilinta dumuqraadiyada taas waxaa la ogaan doonaa sida ay ka yeelaan go’aanka shacbiga Somaliland oo ah waanu la soo noqoney gobanimadii aanu u hadeeney Somaliya ee nagu taageera idinkuna :

IDIN KALA GARAN MAYNO EE IS CADEEYA

in aad taageereysaan dumuqraadiyada Somaliland ee qaan gaadhey iyo in aad dafirayaan idinka ayey idiintaalaa balse Somaliland hore ayey u soconeyaa Allah swt ayuun beyna u baahan tahay taageeradiisa