DOORASHADII 31 MAY KA QABSOONTEY SOMALILAND IYO FARIIMIHII AY GUDBINEYSEY QAAR KA MIDA

Waxaa mar qudha idhaha caalamka soo jiitey doorasho ka dhacdey qaarada Afrika dhinaceeda bari 31 May 2021 kii waa doorasho ay codkooda ka dhiibanayeen dad kor u dhaafayey 1 Milyan oo qof, dadkaasi waxay kala dooranayeen tartamayaasha Golayaasha Wakiilada iyo kuwa deegaanka ee matalidoona  mudo ah 5 sano ee soo socota.Sidaa darteed

Barkhad Jaamac Batuun iyo ololahii doorashada

3da Xisbi siyaasadeed ee Somaliland ayaa soo diyaariyey 799 ka musharax ee u tartamayey mudanayaasha labada gole( Golaha wakiilada iyo Degaanka) waxaa haween ahaa 28 musharax, waxaa kale oo musharaxiinta ka mid ahaa beelaha Gaboye oo lagu tilmaamo dadka laga tiro badan yahay, doorashadu waxay ka dhacaysey 6 Gobol ee Somaliland dhamaantood. Shaxdan hoose ayaa tilmaameysa

Gobolada Somaliland iyo tirada gobolkasta iska diiwaangelisay waa sidan:

  • Maroodijeex: 249,229
  • Togdheer: 147,440
  • Awdal: 102,571
  • Sanaag: 80,334
  • Sool: 63,698
  • Saaxil: 60,817

waxaa iyaguna jirey goob joogayaasha caalamiga ah ayaa ka kala socdo waddamada UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique.

Doorashadaasi waxay gudbisay fariimo togan oo yididiilo leh waxaana ka mid ah:

  1. Doorashadu waxay cadeysay in aanay marna muhiim ahayd qofka la dooranayaa inuu Taajir lacag badan haysta yahay, Qabiilada sheegta laandheerida iyo tiro badnaanta cod lagu heleyn, qof ka soojeeda qoys magac iyo maamuus bulshada ku leh cod lagu kasban karin qof awood dowladeed haysta iska aanu codbixiyayasha somaliland muhiimad siineynin balse ay ku xidhan tahay  qofka is sharaxaya kartida uu u lee yahay in uu fikirkiisa u soo bandhigo bulshada isaga oo raba in uu ku hanto dareenka dadka uu codka ka doonayo.

Arintaa waxaa tusaale fiican kugu filan labada musharax ee kala ah: Cabdikarim Axmed Mooge iyo Barkhad Jamac Batuun Kuwaas oo codadkii ugu badnaa ee uu musharrax helay ku soo baxay Cabdikariin Axmed Mooge oo u tartamayay golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa, halka Barkhad Jaamac Batuun oo matalaya beelaha la haybsooco uu isna ku soo baxay codkii ugu badnaa ee lagu doorto xubin golaha wakiillada Somaliland ka tirsan. Labada midna maalqabeen ma ahayn, awood dawladeedna kumey tiirsaneeynin,reernimana kumey kasban balse waxay u suurtageliyey iney ka guuleystan dad badan oo sharaxnaa waa siday iskaga iibiyeen dadkii ay cod ka doonayeen weliba dad badan ayaa dhaqaale ku taageeray si ay ololaha ugu galaan.

Arintaasi waxay ku tusaysaa in aan la odhan Karin caqabadaha musharax iska hortaagi kara in uu soo baxo waxaa aas aas u ah dhaqaale,reerka uu ka soo jeedo iyo awood dawladnimo ee uu haysto Somaliland dadkeedu waxay xaqiijiyeen in qof nimo wax lagu dooranayo balse aaney jirin baqashada ka jirta meelo badan oo somaliya ka mida ee la xidhiidha dhaqaale ma haysataa dawlada ma ku wadataa iwm.

  • Doorashadani waxay Bulshada caalamka u muujisay in dadka reer Somaliland biseykooda siyaasadeed in uu xitaa ka horumarsan yahay dalalka ku faana iney dumoqraadiyada hogaamiyaan ee caalamka sida doorashadii mareykan ee ugu dambeysey iyo ceebihii ka dhashay iyo rabshadihihii waxaa kale oo ay muujisay in dalka mareykanka oo sheegta in uu yahay ilaaliyaha dumuqraadiyada caalamka uu xitaa goobjoogayaal aanu u soo diran doorashadii Somaliland halka Dalka United Kingdom uu hormood ka ahaa kobcinta iyo taageerida dumuqraadiyada Somaliland Shacabka Somaliland na waxay ogaadeen saaxiibkooda iyo nacabkooda waxayna u mahadnaqeen dalka Britain iyo dawladooda halka Mareykankanka caalam su’aal ay saran tahay kaalintiisa dimoqraadiyada?
  • Doorashadani waa mid mideysay dhamaan reer Somaliland muujisayna sida ay reer Somaliland uga mideysan yihiin in ay horumariyaan dalkooda, ilaalinta nabadgelyada iyo ku tartanka horumarka deegaanka gobolka tuulada iyo beeshaba.
  • Doorka dumarku waa uu hooseyey xubnaha uga soo baxay balse 25 xubnood ee doorashada isa soo sharaxay dhamaantood waxay ahaayeen hablo xul ah oo karti aqoon iyo daacadanimoba leh balse waa bilow wanaagsan oo muujinaysa in haweenku diyaar u yihiin in ay siyaasada qayb ka nodaan balse waxaan qabaa in aaney niyad jab ku noqonin tartankani balse halganka sii wadaan doorashooyinka dambena ay noqdaan kuwo hankoodu sii kordho waxaa hubaala in doorashooyinka dambe hablo badani guuleysandoonaan.

Talo waxaa u soo jeedinayaa dawlada iyo xisbiyada Siyaasada oo aan lee yahay haweenka Somaliland koonto in loo xidhaa xal ma aha balse waxaa xal ah in lagu dhiirigeliyo in isa soo sharaxaan xisbi kastana uu soo sharaxo gabdhaha oo fursad la siiyo la taageero oo madaxda xisbiyadu aad ugu ololeeyaan dhiirigelina siiyaan haweenka waxaa kale oo dawlada laga rabaa in xubnaha maamulka sare  ee  haydaha dawlada  sida agaasimayaasha guud,gudoomiyayaasha haydaha madaxa banaan, badhasaabada iyo mareeyayaasha guud in dumarka kaalintooda laga siiyo.

Dhinaca wasiiradana laga qabgeliyo. Arintani waxay kaalin ka qaadaneysaa sidii dumarku ugu fududaan lahayd in ay soo baxaan.

Arimaasi iyo kuwo kaleba waxay muujiyeen in Somaliland qaan gaadhey tahayna dal jira oo jiridoona inkasta oo cadaadis,cunaqabateen iyo go’doomin siyaasadeed la iskugu bahaytey hadana uu Allah swt ku toosiyey inay dalkooda iyo dadkoodaba ilaashadaan wadatashadaan isqanciyaan Allah na talo saartaan taasina waa ta ka badbaadisay jalaafaha iyo shirqoolada maalinba loo maleegayo waxaanu lee nahay :

DO NOT SURRENDER TO FAILURE.

Waad mahadsan tihiin dhamaan