KANI WAA KII OON BIYO ISMARIN

Farmaajo iyo Marxuunkii adeerkii ahaa tacabka dadka ayey sheegashadooda wadaagaan, Mudane Farmaajo hadii uu in uu damiir wadanimo lee yahay ragii iyo dumarkii naftooda iyo maalkooda iyo wakhtigooda u soo huray xoriyada uu midhaheeda guranayo ayuu sawiradooda ku xardhi lahaa xaafada uu Muqdisho ka xukumo ee sidii Guulwade siyaad iskumuu sheegeen halgamaa sawirkii ku xardha suuqyada muqdisho balse iyaduba waa cibaaro aduun.

Waxaa u Xusi lahaa dhamaan ragii iyo dumarkii xoriyada somaliland, Somalida Konfureed iyo Jamhuuriyada Jabuutiba naftooda u huray kuwaas oo aan ka xusi karo:

a) Somaliland

1-Sheekh Bashiir,2-Faarax Oomar 3- Maxamed Ibrahim Cigaal 4-Axmed Xasan, 5- Maykal Maryama 6- Maxamed Ismaciil (Barkhad Cas) iyo kuwo badan oo aanan hada xusuusneyn magacyadooda

b) Jamhuuriyada Jabuuti

1- Maxamuud Xarbi, 2- Xasan Guuleed iyo qaar kaloo badan

C- Konfurta Somaliya

1- 13 SYL aas aasey 2- Cabdilahi Ciise 3- Xaawo taako 4- Cabdirasaaq X. Xuseen 4- Adan Cade iyo Kuwo kale oo badan .

Hadaba Farmaajo halkee ayuu ka soo galey xoriyadii somalida ee Saddexda Gobol wakhtigaa ma buu jirine mise waa is yeel yeel wixiisu. Sawirankan waxaa ka soo qaatey hadhwanaagnews oo maqaal dheer oo ay ugu magac dartey: Hadal heyn ka dhalatay sawirada Madaxweyne Farmajo oo lagu xardhay wadooyinka Muqdisho iyo ujeedka oo la ogaaday.ku daabacdey website keeda.

Mahadsanidin Dhamaantiin