Qaran Marka La tirtirayo waxa dhalinyaradiisa la baraa mukhaadaraadka

Mukhaadaraadku waa dumiyaha nolosha bulshooyinka wuxuu abuuraa bulsho nolosha ka dhacdey oo hooy u noqota nabadgelyo la’aan, diin la.aan,Mashaqeystanimo iyo dib u dhac dhankasta oo nolosha ka mida sidaa darteed suuragal ma noqoneyso in aynu guryaha ku haysano kuwa raba iney nolosha mushtamaceena baabiyaan cid kasta oo reer Somaliland ah waxaa la gudboon in ay dagaal ku qaadaan mukhaadaraadka kala duwan ee inooga imanaya meelo kala duwan waalidiintu waa in ay la socdaan ubadkooda dhaqdhaqaaqooda waana in lala shaqeeyaa ciidamada amaanka sida police dawladuna waa in ay abuurtaa ciidamo gaara oo tayadoodu sareyso oo qaabilsan nabadgelyada oo la shaqeeya haydaha amaanka waa in dawladu tayeysaa hayaha wardoonka ee kala duwan taas oo keliya ayaa laga hortegi karaa khatarta mukhaadaraadka iyo wacyi gelin joogto ah.