ABAARSO SCHOOL IYO BARWAAQO UNIVERSITY WAA HORMOODKA AQOONTA AFRIKA.

In laga been abuuro goob aqoonkeed waxay ku tusinaysaa in dagaal lagu qaadey iftiin baxaya oo la rabo in la damiyo sideedaba aqoonta waxaa neceb Ibleyska iyo Axsaabtiisa. Ibleysku wuxuu dagaal kula jiraa Adamaha guud ahaan isaga oo kala dagaalamaya wanaaga iyo horumarka,waxaana uu adeegsadaa shadaadiinta insiga ah.

Sidaas Darteed Abaarso School iyo Barwaaqo University waxaa Isweydiin leh maxay u noqdeen bartilmaameed, Sideebaana ay tahay Xaalada Somaliya sideedaba isbarbardhiga Labadii Gobol ee Midoobey Somali Konfureed iyo Somalidii Waqooyi(Somaliland) keebaa si cad loogu fidiyaa Diimo aan Islamka ahayn:

Somaliya

Somaliya waxaa Jooga in ka badan 20,000 oo askari oo loogu yeedho  African Union Mission to Somalia (AMISOM) Askartaasi Waxay ka kala yimaadeen Dalal aan Islam ahayn marka laga reebo Jamhuuriyada Jabuuti oo keliya oo ah dal Islaama. 

“The UN-authorised African Union mission in #Somalia is working to build Somalia’s own capacity for its own peace and development,” it said on Twitter. AMISOM is a peace support operation with nearly 20,000 forces on the ground mainly from Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi and Djibouti.26 Feb 2021

African Union Mission to Somalia - Wikipedia


Waxay jira xarumo waaweyn oo ku yaala Konfurta Somaliya oo ay Ciidamadaasi gacanta ku hayaan oo goobo caafimaad iyo meelo badan oo adeegyada bulshada laga fuliyo leh kuwaas yaa ka lagu daryeelo dadka Somaliyeed ee baahan

Somaliland

Ma joogaan ciidamo shisheeye oo nabada Somaliland ilaaliyo nabada Dalka iyo Dadkaba waxaa ilaaliyo Ciidamo Somalilander ah oo 100% Islam ah ciidamadaasi waa ciidamo diintooda islaamka ah iyo dadkooda Somalilander ka ah difaacaya .

Hadaba Maxay tahay laba iyo saddex macalin oo Jaamicad ama Dugsi wax ka dhigaa in la yidhaahdo caruurtii ayey gaaleysiinayaan oo culumo iyo caamoba durbaakanka u tumeysaa halka in kabadan 20,000 oo askari oo in ka yar 6% Muslim ka tahay Somalida konfureed Joogtaa oo u ciidan ah maamula nabadooda ka ilaaliya Alshabaah kuwaasi iyagu ma diinta Islaamka ayey ku fidiyaan Konfurta Somaliya ?

Waxaa cad iney diimahooda ku dhaqmaan weliba aaney xitaa hadey fidiyaan aaney cidi la hadli karin sheekh iyo shariifba.

Hadaba Arintan Dugsigan iyo Jaamicadani waxay ka shifeen sida dagaalka dhinac walba ah loogula jiro Jamhuuriyadan Barakeysan ee Somaliland, Xasadka iyo Xumaanta dacaayadaha raqiiska ah ee laga fidinayo Jamhuuriyadan Somaliland iyo ilaha Aqooneed ee ka jira waa mid ay ku fashilmeen cadawga iyo duqonta loo adeegsanayo dadkeeda iyo dadkeeda horumarkooda.

Diintayada Islaamka waanu Jecel nahay Waxaana Markhaati kugu filan Caasimada Somaliland iyo inta Masaajid iyo Maderisado ku yaala ee lagu oogo Diinta Islaamka. Aqoonta oo aynu kor uqaadeyno tusaale waxaa u ah Abaarso iyo Barwaaqo waa iftiin aad dameynin waxaanu balaadhindoonaa labdaba.Waanu ka faa’iideysaneynaa Aqoonyahada diin kasta ha haystee aqoontana Maadiga in la kala qaato Allah swt ayaa noo ogolaadey diintase nin walba waa diintiisa Somalilandna waa Jamhuuriyada Islam ah dadkeeduna waa Islam.

Diinta qudha ee lagu fidin karaana waa Islam. Markhaatiguna waa midkan ee bal ka faaiideyso maqalka iyo muqaalka Culimadii Somaliyeed labeentoodii qaar ka mida iyo Madaxweynihii Jahuuriyada Barakeysan ee Somaliland.

Nuur Calaa Nuur Somaliland Waxay dhisaysaa dal iyo dad islam ah oo ka dhisan dhinac walba wax
barashada,caafimaadka iyo dhaqaalaha
Sida marwalba culimada aanu u qiimeyno kulamada diinta ee aan ku qabano dalkayaga waxaa ugu dambeyey