CADAALAD HADII LA WAAYEY DALKAGA IYO DADKAAGA BADBAADI PRIME MINISTER ROOBLE

May be an image of 1 qof, sitting iyo gudaha

Farmaajo Beelaha Koonfurta Somaliya aad bay ugu dulqaateen mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa Somalida Federalka ah ee Somalida Koonfureed.

Gaar ahaan Beelaha hawiye ee Somaliya.

Tacadiyo iyo dhibaatooyin badan ayey ka tirsanayaan Maamulkiisa mudona way u samrayeen sidii uu mar uun caqliga ugu soo noqon lahaa oo uu meel fog wax ka eegi lahaa wakhti fiican ayey siiyeen, abaalna way u galeen ilaa markii la doortey ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo farxad aan la soo koobi karin waxaa ka dhacdey FARMAAJO II GEEYA iyo ereyo la mid ah.

Abaalkaa wuxuu ku bedelay tacadiyo iyo dhibaateenta beeshaasi Hawiye oo weliba uu xidid la yahay abaal laawe ayuu ku noqdey gogol xariira ayey u dhigeen sidii adeerkii Maxamed Siyaad ayuu abaalkii dadkii iyo dalkii ku ridey mugdigii lagala kulmay.

Tacadiyada waxaa ka mid ah:

1- Weereerkii Ilaaladii Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame

oo sida la sheegay kabahooda lagu aasey markii la mirey

2- Dhibaatadii iyo xasuuqii Baydhabo ee ay ka dhalatey in la xidho Roobow oo isku soo sharaxay madaxweynaha dawlad goboleed ka Koonfur Galbeed

3- Dhiibistii Qalbi dhagax

4- Mudo kororsigii Fashilmay ee gadoodku ka dhashay

5- Dhalinyaradii la sheegay in Ereteriya u adeegsatey dagaalkii Tegreyga ee ilaa hada aan raq iyo ruux lahayn

6- Dilkan ugu dambeeyey ee gabadhan ka tirsaneyd saraakiisha Sirdoonka iyo nabad sugida Somaliya ee lagu tuxunsan yahay hayada Sirdoonka.

Hadaba Farmaajo maanta waa laga garjoogaa oo in badan baa loo samrayey hada waxay mareysaa in beelo walaalo ah madaxa laysku geliyo oo afduub iyo is qafaalasho beledweyne ka bilaabanto oo dad aan waxba geesan la afduubo in kastoo reysalwasaaruhu go’aan wanaagsan qaatey oo uu ku guuleystey in uu xakameeyo cadhada Beledweyne ee beelaha walaalaha ah.

Marka arimahaa iyo kuwo kale oo aanan xusin la darso waxaa mudan in Raysal Wasaaraha federalka Somaliya lagu gacan siiyo badbaadinta dalkaasi iyo dadkaasi Somaliyeed ee uu farmaajo iyo saaxiibadii la rabaan in mar kale koonfurta Somaliya noqoto mid aan lagu kala badbaadin oo sidii hore u dhacdey lagu kala guuro oo la is caydhsato ilaa Kenya.

Hadaba Reer Konfureed waxaa la gudboon iney Farmaajo isagaa fudude uu Ereteriya ama Itoobiya Magan galyo weydiisto oo uu dhaafo Somaliya hadii kale foolxumada ka soo socota wakhtiga ayaa sheegin.