JAALIYADA SOMALILAND EE KU NOOL MAGAALADA MUQDISHO EE J.F.SOMALIYA AYAA MAANTA DOORANAYA GUDIGA JAALIYADA REER SOMALILAND

Maanta oo 29 bisha 9 aad ee sanad 2021 waxaa magaalada Muqdisho ee Dalka Jamhuuriyada Federal ka Somaliya ka socda Shir taandhada Afisyoone ee Muqdisho kaas oo jaaliyadu ku dooraneyso 11 xubnood oo matalidoona jaaliyada ku nool Jamhuuriyada Federal ka ee Somaliya.

Hadaba Jaaliyada waxaa la gudboon in ay doortaan xubno danahooda ka shaqeeya dalka ay ku nool yihiina ay wax la qabsadaan.

Jaaliyada waxaa la gudboon in aaney wax faragelin ka ku sameyn arimaha la xidhiidha Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland maskadana ku hayaan in aaney ahayd wakiilo sharci ah oo matale Shacabka Somaliland balse ay yihiin Jaaliyad dooraneysa wakiilo jaaliyadeed.

Hadii aad gashaan khiyaamo qaran oo aad isku daydaan in aad hagardaamo u geystaan dadka iyo dalka reer Somaliland waxaa lumindoontaan muwaadinimada Somalilandernimada.

Waxaana wajihidoontaan wixii sharcigu ka qabo dambiyada la mid ah kuwaad gasheen in kasta oo aan Jamhuuriyada Somaliland Caalamku aqoonsaneyn hana sharuucda caalamiga ah ee xuquuqda adamigu iyo kuwa sharciga caalamiga ah waxay damaanad qaadayaan in ay waajib tahay in rabitaanka dadka reer Somaliland oo boqolkiiba in ka badan 95 ugu codeeyeen in ay la soo noqdeen madax bananidoodii 1960 kii.

Sidaa darteed riyada qol muqdisho ka mid ah inta koox shaaliyada Somaliland inta sanduuqyo loo dhigo la yidhaahdo waxaa lagu doorayaa dad matalaya Jamhuuriyada Somaliland waa ceeb iyo meel ka dhac iyo wax laga xishoodo beesha caalamkana waxaa la gudboon in ay raali gelin ka bixiyaan arintaasi, dadka reer Somalilandna waxay xaq u lee yihiin in maxkamadaha caalamiga ka dacweeyaan dalalka dunida ee ku tumanaya xuquuqda iyo qaranimada Somaliland .Dawlada isku magacaaba ineyay dhisaan dumuqraadiyada ee uu ugu horeeyo Mareykanku wuxuu ku fashilmey inuu taageero isla garabtaago dumuqraadiyada ka jirta Somaliland eek a dhex ifeysa qaarada Afrika waxaana uu duminayaa dumuqraadiyadaasi waxaana uu taageero hiil iyo hooba ah la garabtaagan yahay kuwo aan xitaa xaba ka ahayn Somaliya oo aan cidna metelin sida Farmaajo oo burburiyey dawladii lagu wareejiyey 4 sano ka hor hana xagal daacinya dadaalka reysalwaraare Khayre oo u gudtadey sidii uu u badbaadin lahaa dalkiisa Somaliya.

Somalida Federalka ah ( ex-Konfurta Somaliya) waxaa la gudoon in ay dalkooda dhistaan Khayre na taageeraan si ay uga baxaan dhibka uu Farmaajo geliyey.

Somaliland na kaga daydaal dib u hashiisiinta,qaran dhiska iyo horumarka guud ahaan.