SAWIRADA MAANTA JAALIYADA SOMALILAND EE KU NOOL J.FEDERALKA SMALIYA IYO DOORASHADII MADAXDA JAALIYADA.

Jaaliyada Somaliland ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa maanta shir ay ku lahaayeen xarunta AMISON ee Magaalada muqdisho ayaa waxay ku dooranayeen Gudiga Jaaliyada ee halkaasi degen balse waxaa fajiciso noqotey markii goobtii codbixinta ay iska soo buuxiyeen codbixiyayaal afka soo duubtey si aan loo aqoonsan dadka arimahaasi faaleeyey waxay u badinayaan in dadka afka soo duubtey ee waxdooranayey ahaayeen dad musharixiinta jaaliyadu soo kireysteen oo si aan loo aqoonsan wajiyadooda sidaasi codadka ku dhiibanayeen.

Sidoo kale dadka qaarkood baa aaminsanaa in dadkani ahaayeen dad aad u tiro yar oo qof waliba u codeeneyey xubinkasta oo musharixiinta ah oo markuu ka baxo maslaxa hadana iska soo bedelayey dharka iyo afduubashada si uu ugu codeeyo shuraxa kalena.

balse dadka qaarkii waxay sheegayeen in dadkani ka baqanayeen dawlada Somaliland in ay markey dalkii ku noqdaan lagu qaado khiyaamo qaran.

Si kastaba arintu ha noqotee tani waxay muujinayaa in Qaramada Midoobey iyo dalalka reer galbeed wadamada arabta iyo qaarada Afrikiba ku fashilmeyn arimaha Somaliya oo tani tahay dimoqraadiyada ay dhisayaan ee cashuurbixiyayaasha dalalkaasi lacag ku bixinayaan halka malaayiin qof oo muwaadiniintooda ka mid ahi u baahan yihiin taageero dhaqaale.

May be an image of 1 qof
May be an image of 1 qof iyo gudaha
May be an image of 1 qof, standing iyo gudaha