DOQONTU IL IYO DHEG KELIYA AYEY ARAGEEDA IYO MAQALKEEDA KU KOOBTAA WAANA TAN NASTEEXEED U AH OON CADOWNA KU AHAYN

May be an image of qof ama in ka badan, people standing, outdoors iyo Qoraal

Dad badani waxay la yaabeen dadkii dib loogu celiyey dalkooda ee Federalka Somaliya hadaba waxaan rabaa in aan fikirkeyga ka dhiibto dhacdadaasi aniga oo si dhaba daraasad cilmiyeesan ugu sameenaya arinta aniga oo ka eegaya dhinacyo badan:

1- 2 March 2017

2- 31 Mar 2018 ayaa la siidayey warkan:

15 Jun 2019 ayaa bbc somali daabacdey warka ciwaan uga dhigeyn Dad badan oo kamid ah waxgaradka Soomaalida ayaa si weyn u dhaliilay dil sagaal qof oo rayid ah loogu geystay Koonfurta Gaalkacyo, kuwaasoo sida muuqata loogu aarayay sarkaal ka tirsan nabad sugidda Galmudug oo xalay lagu dilay magaaladaasi. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu dilay sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Cali Dhiif.

… Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dadkaasi la laayay ay kasoo jeedaan deegaannada maamulkiisa, waxaana uu sheegay inay baaritaanno wadaan.

Ugaas Xasan ayaa intaa ku daray inay jiraan dad badan oo Koonfur Galbeed u dhashay kuwaasoo cabsi awgeed xalay ku hoyan waayay guryahooda ku yaal Gaalkacyo…

3-Waxaa lagu daabacay http://www.allbanaadir.org 15 June 2019 maqalkan:

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/ Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Baydhabo ayaa si kulul uga hadlay dadkii xalay lagu laayay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Lafta-gareen ayaa si kulul u cambaareeyay dadkii sida xaqdarada ahaa xalay loogu laayay magaalada Gaalkacyo, waxa uuna ka dalbaday madaxda maamulka Galmudug in jawaab deg deg ah kasoo siiyaan dhacdadan iyo mid kale oo ka dhacday Dhuuso Mareeb.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay dadkii xalay lagu laayay magaalada Gaalkacyo, waxa uu sidoo kale cambaareeyay dil iyana duleedka Dhuuso Mareeb dhawaan loogu geestay dad kale oo Koonfur Galbeed kasoo jeeday.

4- 21 December 2019 ayaa lagu daabacay warkan:

MUQDISHO(P-TIMES)- Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kulul ugu jawaabay hadal xalay ka soo yeeray madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen,kaas oo ku aadaan in siyaasiyiinta qaar ku hadal qabsadaan in xasuuq ka dhacay magaalada Baydhabo,iyadoo aan la eegeyn dadkii Koonfur galbeed ka soo jeeday ee Galmudug lagu laayay.

Mahad Salaad ayaa hoosta ka xariiqay in mooryaantii dadka ku laayay Gaalkacyo ay ka wada dhiidhiyeen,wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in Lafta gareen uu maanta ku eedeynayo iney isku heyb ahaayeen dadkaas.xildhibaan-ka-tirsan-baarlamaanka-dalka-madaxweyne-caan-ah-oo-is-weeraray

 Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka Mahad Salaad ee Facebook:-

Mooryaanka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”!

Waxaan dhagaystay khudbad xalay magaalada Baydhabo uu ka jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Lafta Gareen uuna leeyahay reer Galmudug ayaa xasuuq noo geystay, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdadii Gaalkacyo ka dhacday dhowr bilood kahor.

Madaxweyne Lafta Gareen mooryaantii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena!

Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii mooryaanka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Mogadishu isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado!

Ugu danbeyntii Madaxweyne Lafta Gareenow waxaan ku leeyahay “Mooryaanka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”

Intaas oo tacadiyo ah baa dawlada federalka ah iyo dawlad goboleed yadoodu u geeysteen dadka Somaliyeed ee la nool tacdiyada dawladahooda ayaa laga kari la yahay Jamhuuriyada Somaliland oo ah dal iyo dad qadariya sharafta dadka la nool balse arinta nabadgelyada ayaa keentay in baadhitaan dheer ka dib la gashay in dadkani gabood u yihiin dilalka qorsheysan ee waxgaradka aqoon yahanada, masuuliyiinka reer Sool lagu u gaadhsado iyada oo la xaqiijiyey in ka badan 70 masuul,aqoon yahan iyo hawlwadeeno lagu dilay lascaanood 2 sano ee ugu dambeeyey ilaa hada.

Inkasta oo aanan taageersaneyn qaabkii loo gaareeyey mastaafurinta dadkan hadana waxaa dawlad walba ay xaq u lee dahay ka talinta dhulkeeda iyo ilaalinta abniga dadka iyo dhulkeeda sidaa darteed dawlada Somaliland waxay gudaneysay uun waajibaadkeeda dadkana waxaa loo la dhacmey si fiican waayo wax dhiba oo loo geystey majiraan balse inta gawaadhi loo kireyey ayaa dalkoodii dib loogu celiyey balse ma dhicin sida puntland galmudug ula dhacmaan dadka ay dalku ka dheexeyo ee ka soo jeeda Koonfur galbeed ee xitaa la xasuuqay lagna mustaafuriyey qaar badan oo ka mida sida ay cadeenayaan warbixinadaa aan idin la wadaagey.

Mastaafurintuna waa mid sharci ah waayo dalkasta oo aduunka ka tirsani waa uu mastaafuriyaa dadka sifaha sharci daro ah ku jooga dalkiisa weliba dalalka qaarkood waxay ugu daraan ganaax iyo in ay bixiyaan cashuurtii intii ay dalkooda ku sugnaayeen balse Somaliland waxayba ugu dartey in ay gawaadhi u kireyso iyada oo aan wax cashuura la waydiin dadkaasi.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s