GUUSHA KALIDII TALIYE FARMAAJO IYO GUULDARADA BEESHA HAWIYE MAXAA SABAB U AH?

Gari Allah ayey taqaanaa ee xigaal iyo xigto toona ma taqaano waa ereyo laga hayo muwaadin Somaliyeed oo laba nin u garsoorayey laba nin oo mid ay xigto ahaayeen kaas oo gartii ku ridey ninkii ay ehelka ahaayeen,sidaa awgeed arinta gartu waa in loo cadaalad sameeyaa labada dhinac ee aynu ablo ableyneyno.

Ugu horeyn waa ayo beesha Hawiye side ayeyse u guul dareysteen?

Hadii aynu eego Wikipedia waxaa uu qorey sidan:

The Hawiye (SomaliHawiyeArabic: بنو هوية‎, ItalianHaouia, English: Hawiye) is a large Somali clan family. Members of this clan traditionally inhabit central and southern Somalia, the Somali Region and the North Eastern Province (currently administered by Ethiopia and Kenya, respectively). They are also the majority in the capital city, Mogadishu.[1]

((Hawiye (Soomaali: Hawiye, Carabi: بنو هوية, Talyaani: Haouia, Ingiriisi: Hawiye) waa qoys weyn oo Soomaaliyeed. Xubnaha qabiilkani waxay degaan ahaan degan yihiin badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya, Gobolka Soomaali galbeed iyo gobolka Waqooyi Bari (oo hadda ay kala maamulaan Itoobiya iyo Kenya, siday u kala horreeyaan). Sidoo kale waa aqlabiyadda  dadka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.))

Beel ahaan waa beel taariikh iyo magacba ku dhex leh bulshada Somaliyeed waana beel ka mida beelaha siyaasada Somaliya kaalin weyn kaga jirta.

Marka laga eego dhinaca muwaadinimada,somalinimada iyo wadaniyada waxaa kaga horeeya uun Beelaha Somaliland oo kaalinta kowaad kaga jira dhinacaasi halka beesha Hawiye Kaalinta labaad kaga jirto.

Balse Beesha Hawiye Kaalinta 1aad waxay kaga jirtaa dhinaca dulqaadka ee xaraaradaha xarakooyinka iyo kacdoonada siyaasadeed ee xidhiidhka bulshada iyo siyaasada halka beelaha Somaliland ka gelayaan kaalinta 10aad.

Tusaale Dhacdada Ikran Tahliil

Hadii ay dhaci lahay arintii Ikran Tahliil oo kale in ay ka dhici lahayd meel ka mida Somaliland dadka reer Somaliland kama daaleen mudaharaado iyo kacdoono ka dhan ah dawlada Somaliland halka Muqdisho iyo reer Hawiye aan laba arag dad iskood isku abaabuley oo arintaa ka muujinaya dareenkooda.

Hadaba maxaa u la jeedaa guusha Farmaajo?

a) Kali taliye Maxamed Farmaajo  wuxuu taariikh ahaan ka mid yahay dadkii xukunkii siyaad Bare ee dhibaatooyinka dadka Somaliyeed qaybta ka ahaa fikriyan iyo camiliyan ba

b) Maxamed Farmaajo waxaa uu kursiga Madaxweynanimada ee doorashadii ugu dambeysey ee Somaliya ku yimi Musuq iyo laalush sida ay in badan qoreen wargelisyada caalamka iyo aqoon yano caalami ahiba

c) Farmaajo wuxuu cabudhinta,xasuuqa,naxariis darid  iyo dilalka qorsheysan ee siyaasadeed kaalinta kowaad ka galey dhamaan xukumadihii isaga ka horeeyey ee fedrelka Somaliya Soo maray

Tusaale:

  1. Mirtii Guriga Gudoomiyaha Xisbiga wadajir( Ina Cabdishakuur)
  2. Xasuuqii Baydhabo ee lagu laayey dad ka badan 15 qof taas oo markii Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysaa Cambaareysey uu Farmaajo Cayriyo(Eryo) Wakiilkii Somaliya ee UN
  3. Dilka Ikran Tahliil oo lagu eedeynayo Hayada NISA oo ay Ikran Xubin ka ahayd
  4. Weraradii Lagu beegsadey Madasha Musharaxiinta ee Muqdisho
  5. Dilal kale oo siyaasadeed oo lala xidhiidhiyo masuuliyadeeda xukumada Farmaajo.
  6. dhiibistii uu xukumadii Itoobiya u dhiibey muwaadin Somaliyeed (Qalbi Dhagax)
  7. Dagaalka Guriceel ee Ehela xusna iyo Dawlada (Hawiye Hawiye lagu dilayo)

d) Farmaajo waxa uu kala qaybiyey dadka Somaliyeed oo uu iskaga horkeenay qabiil qabiil isaga oo Maamuladii federalka ahaa ee dhisnaana ferageliyey intooda badana xukunka ku saarey dad uu isagu wato si qori caaradii ah tusaale waxaa kugu filan Konfur Galbeed ,Galmudug iyo Hirshabeele isaga oo isku dayey Puntland iyo Jubaland balse Puntland ku fashilmey.

e) Farmaajo Wuxuu Sameystey korarsi 2 Sano ah si aan sharciga waafaqsaneyn in kasta oo markii dambe cadaadis bulsho uu keenay inuu ka noqdo.

Intaas oo arimood waa marxalad muujineysa in farmaajo aanu ahayn nin u qalma in uu kursi dal somaliyeed lagu aamino balse waxaa uu si fudud uga guuleystey Beesha Hawiye oo uu dagaal kula jirey Siyaasiintooda sanadkii ugu dambeeyey

Waayo Mudo ka badan 8 Bilood ayuu si firfircoon kugu fadiyaa Kursigii Madaxweynaha Somaliya oo wakhtigiisu dhamaadey

Waxaa uu si cad isku hortaagey in Ikran Tahliil oo la aaminsan yahay inuu wax ka og yahay meesha ay ku dambeysey iney cadaalad hesho sirta ku duugana la helo taas oo fure u noqon lahay waxyaabo badan oo qarsoon iyo khaarajino si qorsheysan loo fuliyey iyo siro badan oo aad u sareeya taasna beesha Hawiye Waa uu kaga guuleystey in ay cadaalad u helaan inantoodii.

Cadaadis iyo dagaalo Faraha laga gubtey oo dhexmartey Farmaajo,Fahad yaasiin iyo Siyaasiinta Federalka ah ee Somaliya,beesha Hawiye oo isku dhinac ahna waxaa muuqata in uu Farmaajo iyo Fahad yaasiin ay 5 iyo 1 kaga guuleysteen Siyaasiinta Hawiye ka dib markey ku guuleysteen in ay hubka iskugu dhiibaan ciidamadii beesha Hawiye iyaga oo u kala bixiyey Ciidamada Galmudug iyo kuwa Federalka oo isku dhinac ah iyo Kuwa Allah Suna oo ka Soo horjeeda balse runtu tahay Hawiye Hawiye la dagaalamaya.

Ugu dambeyntii Guusha Farmaajo waxaa sabab u ah dhaqaalaha,talooyinka, iyo taageerada dalalka qarsoon ee raba in Farmaajo ka dhigtaan madiidin(adeege) kooda keli taliye aan dhicin ee Somaliya iyo dufanka siyaasiinta hawiye la siiyo( Fara dufan leh baa wax duuga). balse tii Allah ayey noqon  bal aynu eegno halka arimuhu ku dambeeyaan.

Mahadsanidin dhamaantiin