BEENTA IYO XISHOOD DARADA SIYAASADA MUQDISHO LAYSKU MAAWEELIYO Q:2 AAD

………….

Waxaa iyaduna wax lala yaabo ah golihii barlamaanka Somaliland oo aan kaba damqaneynin magac dilka iyo been abuurka lagu bahdilayo magacooda,awoodooda,dalkooda iyo dorashadii loo doortey iney dadka reer somaliland wakiilo u yihiin waa su’aal u baahan fasaraad waxay uga aamusan yihiin waxa Muqdisho ka socda, sidoo kale Xisbiyada siyaasada Somaliland oo u muuqda kuwo iyaguun isku maqan balse dalka iyo dadka Somaliland waxba ugu filneyn. 

This means shame to all of you in the international community

Somaliland maha meel muqdisho lagu go’aamiye taladeeda ee waa dal iyo dad tashadey waxaanan qabaa in ay sabab u tahay in maanta la yidhaahdo doorasho dadban baa muqdisho loogu qabanayaa doqonimada xisbiyada Somaliland iyo siyaasiinta Somaliland oo ah kuwo aan daacad ka ahayn ama aqoonteedii kartideedii lahayn in caalamka ka cad goostaan qadiyadooda bislaateyna ku dirqiyaan aqoonsigii Somaliland ee 1960 oo dib loo soo celiyo.

Saxaafada Caalamku aad bay uga waratey in Somaliland u qalato in Aqoosigeedii dib u hesho oo weliba dalal cusubi aqoonsadaan.

Halkan ka daawo doorashooyinkii somaliland qaar ka mida iyo warbixinadii lagaga waramey:

May 2021

27 Jul 2019

The Fake election (MAHDI GUULEED)

La soco Qaybaha Dambe