SALDANADA AWAL IYO XUKUMADA SOMALILAND MA FAHMIN MASHAAKILKA DHEXMAREY

Taariikh kooban

Sida aan ka soo xigtey Wikipedia yaha qaybtan hoose ee ka mid ah keydka qoraalada la xidhiidha Saldana Beesha Habar Awal waxay u qorney sidan:

Garaadka iyo Salaadiinta Beesha Habr Awal

Habr Awal waxay leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo hogaamineed waxaana hogaamiya Suldaan ka tirsan garabka Axmed Cabdalla – beel aad u tiro badan oo Sacad Muusa ah oo inta badan degan dalka Itoobiya . Taariikh ahaan waxay doorbidaan inay adeegsadaan ereyga asalka ah ee Garaadka sida Warsangeli, labada qabiilba waxay tan iyo markaas bedeleen magaca cinwaanka oo loo bixiyay Suldaan in kastoo doorku isku mid yahay. Jeeday Awal Garaads urura lahaa nin ee xiliyada dagaalka iyo xallinayo murannada ka ballaaran leh beelaha kale buuxinta kaalinta sidii nabad kama dambaysta ah (nabadoon). Garaad Biniin kii ugu horreeyay waxaa loo caleemo saaray waqti la mid ah kii ugu horreeyay ee Habr Yunis Suldaan Diriiye Caynaasha, iyadoo labadan beelood ee waaweyn ay ka jabeen tababbarkii Ciidagale oo ah hoggaamiyeyaasha ballaadhan ee Isaaqa . …………………..

Magacayada
1Garaad Biniin ( Garaadkii ugu horeeyey )
2Garaad Cabdalla Garaad Biniin
3Garaad Askar Garaad Abdalla
4Garaad Diiriiye Garaad Cabdalla
5Suldaan Abdulrahman Garaad Diriiye (Suldaanka la qaatay)
6Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdulraxman
7Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi
8Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi

Waxaa aynu aragnaa in Saldana Habar Awal ay soo martey taariikh dheer oo ugu yaraan 200- 350 ee sano ee ina soo dhaafeyba ay ahayd mid firfircoon,sidaa darteed ma aha mid loo bedeli karo si fudud oo xiukuumad ,urur iyo shaqsiyaadba ax ka bedeli karaan iyada oo ugu horeyn lagala tashan suldaanka hada, qoyska uu suldaanku ka soo jeedo beesha axmed cabdale,sacad muuse iyo Habar Awal.

Arinkasta oo marka oo aynu ka hadleyno waa in aanu fahanaa si fiican kolkaas baa rayi laga bixin karaa sidaa darteed waxaa aanan fahmin sababta kelifeysa in saldanada Habar Awal faragelinta iyo arimaha siyaasadeed madaxa loogu gelinayo arinta kale ee aan cadeynini waxay tahay:

1- Sidee Madaxweyne biixi ugu lug yeeshay in uu faragelin ku sameeyo Saldana?

Ma wuxuu soo sharaxey suldaan cusub

Ma waxaa uu magacaabey Suldaan Cusub

Sida uu inoo sheegey Suldaanka hada Suldaan Xasan inuu itoobiya ku maqnaa marka ay dhacdadu dhacaysey sida aan u fahmey hadalkiisa oo aanu jooginba wakhtigaasi.

Sidaa awgeed arimahaas kore oo dhami waxay u baahan yihiin in la cadeeyo ka dibna Xukuumada Biixi wixii talo ah ama tilmaana la siiyo Xukumaduna garawsato inSaldanada Habar Awal ay tahay Saldanad ka Madax banaan in la adeegsado dano shaqsi iyo xukun ku salaxasho balse ay tahay tiir ka mida tiirarka bulshada Somaliland ee dhaqanka iyo hidaha reer Somaliland lana lilaaliyo qiyaamkeeda.