Wakiilka Somaliland U Fadhiya Finland oo Ka Warbixiyey Kulan Dhexmarey Madaxda Baarlamaanka Dalkaasi

Wakiilka Somaliland U Fadhiya FINLAND Oo Ka Warbixisay Kulan Dhex-maray Madaxda Baarlamaanka Dalkaasi Iyo Wefti Ka Socda Somaliland

Helsinki(HWN):-Wefti ka socda Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo booqasho ku maraaya Wadamo ka mida qaarada Yurub, ayaa kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Baarlamaannada dalalka Finland iyo Sweden.

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ka tirsan oo uu hogaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golahaasi Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa magaalada Helsinki ee caasimada Finland kula kulmay guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Dalkaas Antti Rinne oo uu weheliyo la taliyihiisa gaarka ah, waxaanna sidoo kale kulanka ka qaybgalay dan-jiraha Somaliland u fadhiya dalkaasi Marwo Saamiya Muuse oo uu xafiiskeedu diyaariyey martiqaadka Weftigu ku tageen dalkaas.

Finland ayaa ka mida dalalka Yurub ee ay Somaliland saaxiibka dhaw yihiin, waxaannay dhinacyada baarlamaannada labada Waddan ka wada-hadleen sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka labada dal, gaar ahaan baarlamaannada, sida uu war qoraal ah ku sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboo oo ka mida Xubnaha kulanka ka qayb-galay, kaasoo qoraal uu kulankaasi kaga waramay soo dhigay barta shabakadda Facebook ku leeyahay.

Kulanka oo dhacay gelinkii dambe ee Arbacadii, qaybna ka ahaa kulamo xidhiidh ah oo uu Weftiga golaha Wakiilladu ilaa maalmaha soo socda la yeelanaayo masuuliyiin dalkaasi, ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Finland Amb. Saamiya Muuse oo sidoo kalena ah Xubin firfircoon oo xidhiidhka arrimaha dibada u qaabilsan xisbiga talada haya ee dalka Finland.
“Weftigu waxay ku yimaadeen martiqaad rasmi ah oo aan ka diyaariyey Wasaaradda arrimaha dibada Finland, kaasoo markii aan u dirayba ay deg deg u aqbashay wasaaraddu anigoo sii maray safaaradda Nairobi”ayey tidhi Marwo Saamiya.

Danjiraha ayaa intaas ku dartay inay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya ee dalkaasi”shalay waxaannu la kulanay Madaxweynihii hore ee Finland. beri (maanta) waxaanu la kulmaynaa oo nala balansan Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Midowga Yurub oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland, kaasoo isaga laftiisu ah nin ka badheedhay qadiyada Somaliland oo aanu doonayno inuu goleyaasha Yurub qadiyada dalkeena geeyo”ayey tidhi Danjire Saamiya.

Amb. Saamiya waxa ay sheegtay in hawlo badan oo la xidhiidha dhinaca qadiyada Somaliland ay dhaqaajisay intii ay xilka haysay, maadaama ay Xubin muhiim ah ka tahay Xisbiga dalka Finland xukuumadda oo ay xilal kala duwan u qabatay, haatana ay u qaabilsan tahay xidhiidhka dibada “waxa guul weyn ah inaan dalka finland ka diiwaan-geliyey Xafiiska Wakiilka Somaliland oo si rasmi ah u shaqeeya, si weyna laygu tixgeliyo”
Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboo oo faahfaahin ka bixiyey kulanka dhex maray Weftigooda iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Finland, ayaa sheegay “Waxaanu ka wada hadalnay iskaashiga labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Finland.

Waxa dhinaca Somaliland hoggaaminaayay Guddoomiye-xigeenka 2aad ee golaha Wakiillada Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil, waxaanna kulanka nagu wehelisay Wakiilka Somaliland ee Finland Danjire Saamiya Muuse oo kulanka soo qaban-qaabisay” Ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka guddi-hoosaadka arrimaha dibada ee Golaha Wakiillada JSL Md. Maxamed Xuseen Ramboo.
Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboo oo ay weheliyaan Xubno ka mida Jaalliyada Somaliland ee dalka Sweden, ayaa khamiistii doraad kulan kula yeeshay Magaalada Stokholm guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Åsa Lindestam iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamanka dalkaasi.Mudane Ramboo oo lugtiisa labaad booqasho ku tegay dalka Sweden, halkaana kulamo kale kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda dalkaas, ayaa tilmaamay inay arrimo kala duwan oo muhiima ka wada-hadleen mudaneyaasha reer Sweden.
waxaannu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook “Waxaan galabta (Khamiistii) Xarunta Baarlamaanka Sweden kula kulmay Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Åsa Lindestam iyo labada Xildhibaan ee kala ah Anders Österberg iyo Ola Möller.
Kulankan waxaanu kaga wada hadalnay xidhiidhka labada baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa iyo qodobo kale oo muhiim ah.Waxaanu si guud u booqanay xarunta Baarlamaanka iyo qaybaha uu dhismuhu ka kooban yahay”
Geesta kale, Xildhibaan Raamboo waxa uu faahfaahin ka bixiyey kulamo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Sweden, waxaannu tibaaxay inay masuuliyiintaasi ka wada xaajoodeen iskaashiga labada dal iyo sidii ay u xoojin lahaayeen.
“Waxaan Xarunta wasaarada arrimaha dibada Sweden kula kulmay Madaxa arrimaha Bariga Africa Cecilia Wramsten iyo Madaxa Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Anna Centerstig.
Waxaanu ka wada-hadalnay iskaashiga Somaliland iyo Sweden iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa”Ayuu yidhi Xildhibaan RaambooKulanka ayuu sheegay inay ku wehelinayeen Mustafe Cabdi Ismaaciil oo ah guddoomiyaha dallada guud ee Jaalliyadda Somaliland ee Sweden, Maxamed Yuusuf Bidhiidh Badda oo ah Guddoomiyaha Ictiraaf raadinta ee Sweden, Liibaan Xasan Cabdillaahi iyo Mahad Kadleeye oo ka tirsan jaalliyadda Somaliland ee Sweden.

Source: hadhwanaagnews.com