FARMAAJO MA KU SOO LAABANDOONAA MAR LABAAD REER MUQDISHO

Su’aasha Jawaabteedu waa mid la xidhiidha qaybka Allah uun og yahay balse xisaabta laysku geegeeyo ee maskaxda yare e Adamaha saadaasha iyo rejeda marka aan la kaashado maya marka laga eego dhinaca wanaaga dadka reer muqdhisho,somalida konfureed , dhamaan Somalida iyo dalalka ku xeeran ee Jararka la ah Dawlada Federalka ah ee Somaliya Saaxiibada Dadka Somaaliyeed Beesha caalamka iyo Qaarada Afrikaba xitaa marka laga ee Mustaqbalka naf ahaantiisa waxaa u fiican in aanu mar kale hor iman dadka iyo dawladaha Caalamka isaga oo Madaxweyne Somaliyeed ah.

  1. Ma Soo noqon doono Farmaajo marka loo eego Arimaha lagu eedeyey

Farmaajo waa laba mid uun:

  1. waa lahayste kursiga lagu hayo oo xoogag aan dadka caadiga ah u muuqani ( blackmailers) ku maamulanayaan xilka, kuwaas oo ay ka mid noqonkaraan hayado sirdoon,kooxo budhcad ah (Gangsters) iwm ah, sida dadka qaarkii qabaan
  2. Waa ka dabeecad dhaqanka noocan ahi (these is part of his behaviour)  oo waxaa uu u badheenayaa in xoog iyo awood ku bedelo doorashooyinkii ka dhici jirey Muqdisho ee Awalba sida aan hufnin musharaxu ku soo bixi jirey.Qoladan dambe waxay tusaale u soo qaadanayaan ficiladiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed sida isbahaysigii bilowgiiba la galey dalalka Jaarka,Itoobiya iyo Eretria .

Labadaas arimoodba waxay muujinayaan in farmaajo aanu ahayn hogaamiye wakhtigan adag Somaliyada Konfureed ,  Dalalka jaarka la ah iyo Bulshada Caalamkaba la jaanqaadi Karin siina kala fogeenaya bulshooyinka xitaa Gobolka Banaadir ee uu qaybta yar ka maamulo burbur ku imandoono mustaqbalka hadii uu ku soo noqdo talada mar kale.Dadka arimahaasi ku eedeya Farmaajo waxay soo qaataan tusaalayaal iyo

Cadeymaha loo hayo in uu Farmaajo qorshahiisu ka balaadhan yahay intaa inoo muuqata waxaa cadeyn kugu filan wax yaabaha la yaabka ah ee mudadii uu xilka hayey uu ku talaabsadey kuwaas oo hadii isla xisaabtan jiro uu noqon lahaa maanta maxbuus ku jira jeelasha cadaalada mid ka mida ah kuwaas waxaa ka mida ayey lee yihiin :

  1. Dhiibidii Qalbi dhagax ee Itoobiya: Sawirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Qalbi Dhagax: Qiraalkii uu bixiyay ka dib siideyntiisii – BBC News Somali
  2. Xasuuqii Ilaaladii hogaamiyaha xisbiga wadajir ee Somaliya : Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Dawladdu waxay beegsanaysaa Xisbiga Wadajir” – BBC News Somali
  3. Xasuuqii dadkii mudaharaadayey ee reer baydhabo: Baroordiiq Loo Sameeyey Qafaalashadii Mukhtaar Roobow iyo Xasuuqii Loo Geystay Shacabka Reer Baydhaba oo Lagu Qabtey London | Daafeet.com
  4. Is hortaagii baadhista inantii reer muqdisho ee u shaqeeneysey dawladiisa ee la khaarajiyey: Case of missing spy aggravates tensions among fractious Somali leadership | Global development | The Guardian
  5. Mudo kororsigii sharcidarada ahaa ee kursigiisa iyo dhiigii ku daatey markii laga hor yimi: Farmaajo oo saxiixay xeerkii muddo kororsiga loogu sameeyey isaga iyo BF – Caasimada Online
  6. Shirqoolo lagu beegsadey saraakiil,masuuliyiin,aqoonyahano ka soo jeeda dadka somaliyeed una u badan reer ka mida reeraha Somaliyeed.
  • FARMAAJO WUU KU HAYAA (SOO ROGAALCELI)

Sida muuqata waa suurto gal in uu Farmaajo soo noqdo mar kale waxaana u sahlaya hadii ay sidaasi dhacdo arimahan:

  1. Kuwa la tartamayaa waa dad la soo wada tijaabiyey oo aan ku cusbeyn wejiyada xubnaha soo dooranaya
  2. Musuqa iyo Kala gadashada Codadka oo kaalinta kowaad kaga jirta horena Farmaajo uu ugu soo baxay
  3. Awooda Dawlada dhaqaalaha,siyaasada,ciidamada shaqaalaha abaabulka hayadaha dawlada oo dhamaan uu farmaajo gacantiisa ku jira uuna u adeegsan doono doorashada
  4. Dawlado la sheego in ay iyagu soo saaraan madaxweynaha marba talada loo dhiibo oo horeba Farmaajo dhaqaale ugu soo saarey imikana halkii la jooga.
  5. Dawlad Gobolada oo qaarkood uu Farmaajo dhistey hogaankooda si mustaqbalka gacantiisa uga bixin xukunka dalku.

Intaasi oo dhamiba waxay qayb ka noqon kartaa in uu Farmaajo loo soo cumaamado hadana waxaaynu eegidoonaa wakhtiga dambe xaaladu soo bislaato.

Balse gabagabadii hadii Farmaajo soo noqdo xukunkiisu ma noqondoono mid la mahadindoono una maleynmaayo in uu ku raagidoono. Xaaladu waxay u eegaan kartaa LANDCRUISER GADO SOO BARI GALEY GUUXIISA MOOD GOB IN AAD KU TAHAY GEESKA AFRIKA.

Waad Mahadsantihiin Dhamaan