XILDHIBAANADA LAYLIGA EE SOMALILAND IYO DHEELIGA KA MUUQDA Q:1

Xildhibaanku muxuu yahay?

Xildhibaanku waa wakiilka dadka ku nool deegaanka laga soo doortay. Dalal badan ayaa leh nidaamka baarlamaanada labada aqal ka kooban, kuwaas oo isticmaala laba magac oo kala duwaya fahanka magaca xildhibaanka labada barlamaan, magacyadan  waxaa ka mid ah xubnaha aqalka hoose iyo xubnaha aqalka sare.

Tusaale ahaan Somaliland waxay lee dahay laba gole oo xildhibaanadooda lagu kala magacaabo:

Gurti iyo Wakiilo ama Aqalka sare iyo aqalka hoose.

Shaqada ugu muhiimsan ee golaha wakiiladu waxaynu ku soo ururaysaa sidan:

  1. Hubinta habsami u socoshada shada dawlada iyo ku hormeerida,baarida fulinta shuruucda dalka (scrutiny)
  2. Sameeyta sharciyo cusub, waxa ka beddelida sharciyada (Legislation)
  3. Ka doodida arrimaha muhiimka ah ee ka dhasha shaqooyinka,durufaha iyo xaladaha wadanka markastaba (debating)
  4. Hubin iyo ansixinta kharashka dawladda, miisaaniyadda/canshuuraha (budget/taxes) iwm.

Inta badan barlamaanada aduunka waa ay ka siman yihiin guud ahaan shaqadan inkasta oo laga yaabo in uu meelaha qaarkood siyaabo kale duwan loo sharaxo nuxurka ereyada aynu xulaney.

Somaliland ayaa bishii May ee sanadkan 2021-ka ka qabsoontay dalka oo dhan doorashooyin markii u horaysay muddo ka badan 10 sano.

Bishii August 2021 hawlahooda si rasmiya u bilaabeen golaha wakiilada cusubi waa mudo aad u kooban wakhti ahaan mudada ay shaqeenayeen golahu balse waxaa soo baxaya in golahani khibrad ahaan uu aad uga hooseeyo golayaashii hore ee Somaliland, Golahan waa u badan dhalinyaro sida aan aaminsan ahay waayo aragnimada shoqo ee dhinaca arimaha siyaasada,dhaqaalaha,bulshada iyo aqoonta guud ee sharcigu aan fahan fiican ka haysan,xitaa hadii la odhan karo aqoonyahano sharci ayaa ka mid ah,hadana anigu waxaan aaminsan ahay in kuwaasi laftoodu yihiin Layli una baahan yihiin tabarbar iyo waayo aragnimo la xidhiidha shaqada baar labaanka ah.

Ficilada ugu dambeyey ee Barlamaanka waxay muujinayeen sida loogu baahan yahay in baarlamaankan cusub ee dhiiliga sharci,waayo aragnimo shaqo ka muuqdo looga toosin lahaa dheeliga wax yaabaha aan ku cadeenayo in wakiiladu dheeli ka muuqdo iyo laylinimo oo aaney weli adkaanin waxaa ka mida:

…………………………….

lasoco