Furashada Xisbiyada Somaliland Ma aha Caqabad Balse Waa Dumuqraadiyadii oo Qaangaadhey

Sideedaba dastuurka Somaliland oo ah isha shuruucda dalka ayaa damaanad qaadey 10 sano ba xisbiyada la furo arintaasi waa mid ka qaybqaadaneysa tayeenta asxaabta waayo 3 xisbi ee hada Jiraa waxay ku dadaalidoonaan in ay xejistaan xisbinimadooda iyaga oo ku dadaalidoonaa hagaajinta dhaliilaha laga tirsanayo, halka Xisbiyo cusubna ay soo ifbaxidoonaan kuwaas oo iyaguna tayadooda iyo kaalintooda muujindoona.

Arintani waxay dhalindoontaa in xisbiyada fadhiidka noqdey ee aan dadka iyo dalkaba waxba ku soo kordhin ay ka suulidoonaan.

Ururadu cusubi waxay tartan la gelidoonaan kuwan jira waxaana soo bixidoona xisbiyo cusub 1,2,3 ama in ka yar kalka xisbiyada hada laga yaabo in soo baxaan dhamaantood,ama 1 ama 2 ama 3 duba hadhaan.

Xisbiyada Mucaaradku waxay ka baqayaan in ay soo bixiwaayaan oo xisbiyo cusubi soo baxaan,si kastaba ha ahaatee waxaa loo baahan yahay in la dabaqo shuruucda dalka laguna kalabaxo.