INAN(FARMAAJO) IYO ADEERKII(JAALE SIYAAD) 1969 IYO 2021 HORSEED-DAYAAL GUUL DARO SOMALIYEED

Somalida taariikhda waxay ahaayeen dad ku wada nool qaab ku dhisan reernimo ama tolol, dhaqan, diin, af iyo deegaanba wadaaga, wax wal oo dhaxdooda ahna waxaa lagu xalin jirey wada hadal, iyo isku tanaasul,dhibaatooyinka ugu waaweyni waxay ka dhalan jireen daaqa iyo biyaha kuwaas oo lagu diriri jirey wakhtiyada abaaraha iyo duruufaha ka dhasha roob yaraanta iwm.

laga soo bilaabo 1884 markii gumeystayaashii reer yurub ay yeesheen shirkii Berlin ee loogu tashadey Afrika , gaar ahaan dhulkii Somaliya Ka dib markii Faransiisku qaatay qaybtoodii waxa Talyaaniga, Ingiriiska iyo Itoobiya ayaa iyaguna qaybta ka mid ahaa sidaa awgeed.

Ingriisku wuxuu qaatay waqooyi, Talyaaniguna wuxuu qabsaday koonfurta. Ingriisku waxa uu qabsaday dhulka woqooyiga ka xiga si ay u ilaashadaan marinka ganacsi ee ay marayeen kanaalka Suweys oo furnaa 1869kii. Tani waxay ahayd goob istaraatiiji ah oo maraakiibtoodu dib uga soo laabanayaan Aasiya. Talyaanigu sidaas oo kale ayuu qaatay, waayo waxa ay u baahdeen in ay cagta mariyaan Xeebta Badweynta Hindiya. Inta lagu jiro gumeysiga Ameerika iyo Afrika labadaba, qabsashada dhul muhiim ah ayaa la arkaa. Waddamada Yurub ma ahayn oo kaliya inay isku dayeen inay ka qaataan dalalkii ay gumaysanayeen, balse waxay la tartami jireen dalalka kale ee Yurub iyagoo ka xannibay dhulalka ama xoog lagaga saarayo.

somalia_colonial_map

In kasta oo ay qaab ahaan kala duwanayeen sida ay waooyiga iyo konfurta gumeystayaashu u soo galeen Somaliland( heshiis ) iyo Somaliya ( Xoog) hadana dadka Somaliyeed aad bay uga dhiidhiyiin gumeysiga dagaalona way kala hor yimaadeen.

Wadaniyaduna waxay ahayd astaan ay wadaagaan dadka Somaliyeed marka aynu soo koobno.

1960 26 June ayey ahayd markii ugu horeysey ee dal xor ah oo Somaliyeed caalamka ka dhasho waxaana xoriyadeedii ka qaatey Somaliland oo ingiriisku siiyey xoriyada.

1960 1 July ayey Somaliya (Goboladii Konfureed) qaateen Xoriyadooda kaas oo ay ka qaateen Talyaaniga, isla markaana isku biireen Somalia iyo Somaliland.

Arintaasi waxay cadeyn u tahay in dadka Somaliyeed aaney wax dhibaato ah ka dhaxay dhextoodana oolin taas oo ku saabsan Qaybyaalad siyaasadeed cadaadis dhexdooda ah is gumeysi iyo kala sareyn.

1- Markii ugu horeysey ee dadka Somaliyeed loo kala qaybiyo reer nimo siyaasadeed taariikhda waxay dhacdey markii 1978 Somaliya la gasho dagaalka dalka itoobiya soo gaba gaboobay iyo wixii ka dambeyey taas oo bedeshay aragtidii siyaasadeed, sharci, iyo dhaqan dhaqaale ee Somaliya waxaana aas aas ka aragtidan lahaa Maxamed Siyaad Bare oo uga dan lahaa in uu xukunka ku sii joogo mudo badan hase ahaatee arintani sabab u noqotey in uu xukunkiisa soo afjarto ka dib dhiig badan iyo xasuuq badan oo uu geystey iyo kuwa ka dhashay xaalada uu abuuray,taas oo dad badan oo aan waxba galabsani ku geeriyoodeed taariikhada Somalida waa markii ugu horeysey ee Dawlad Somaliyeed u xasuuqdo dad Somaliyeed reerka ay ka soo jeedaan,taasina abuurto isir nacayb iyo iska hor imaad isku dir dadka Somaliyeed qaab salka ku haya Siyaasad, Xukun iwm.

2- Burbur iyo dagaalo sokeeya oo uu sababey Xukun Jacaylkii Jaale Siyaad ayaa waxaa kale oo ka dhashay in Labadii Gobol ee Koonfurta iyo waqooyiguna kala baxaan oo Somaliland 18 May 1991 Ku dhawaaqdo iney ka baxday ama ka noqotey midnimadii Somaliyada Talyaaniga.

Taasi waxay dhalisay in qaskii iyo dagaaladii Sokeeye ka soo afjarmaan Somaliland oo ay dhidibada u taagto dawlad casri ah halka Somaliyadii Talyaanigu wajahdey dhibaatooyin waaweyn oo dhinaca nabadgelyada,arimaha bila-aadanimada iyo kala qaybsanaan bulsho siyaasadeed.Taasi waxay keentey in bulshada Caalamku gurmad u gasho samatabixinta Somaliya taas oo soo martey marxalado kala duwan oo taariikhda ku xusan ugu dambeyntii waxaa loogu guuleystey in dawlad taagdaran caalamku u dhiso federalna loo sameeyo taas oo ka kooban 5 Dawlad goboleed.

Somaliya waxay u muuqatey mid si tartiiba u soo bogsaneysa balse riyaasi waxay beenowdey ka dib markii Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu Adeer u yahay Maxamed Siyaad Bare uu ku soo baxay doorasho madaxtinimo ee Somaliya weliba lagu tilmaamey doorashadii ugu musuqa badneyd ee Somaliya ka dhacda abid.

Mudadii uu Xukunka hayey Farmaajo oo adeer u yahay Jaale Siyaad Waxaa soo noqday dhaqanadii Kacaankii Siyaad Bare waxaa bilaabmay Halku dhigyo aad u macaan oo la mid ah kuwii kacaanka siyada wadaniyad been ah, isku filaansho sinaan . Balse wajiga runta ahi waxaa uu noqdey soo celintii kala qaybinta bulshada Somaliyeed,abuurid qabyaalad,eex qaraabo kiil dagaalo iyo khaarajin siyaasadeed,xasuuq iyo cabudhin bulshada ah adeegsiga xooga ciidamada iyo xukun aan laga degin,mudo kororsi iyo ugu dambeyntii xukun ku dhisan inqilaab mulateri , jidadkaas oo dhamaan ah kuwii Jaale Siyaad ku guul dareystey aakhirkiina Somali is nacsiisey sidaa awgeed miyaaney noqoneynin Farmaajo iyo Jaale Siyaad waa inan iyo adeerkii oo gumeyey Somali wada jirkeedii.