Skip to content

Posts from the ‘Arimaha Bulshada’ Category

26
Oct

HORAA LOO SOCONAYAA…..

10
Oct

HAMBALYO ARDADA SHAQO QARAN EE KU BIIRAY CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND

Shalay waxay ahayd Maalin qiimo badan waa markii ugu horeysey ee Ardayda loo asteeyey Shaqo qaran nasiib u heleen qayb ka mid ahi oo ka kooban 126 arday iney si rasmi ah ugu biiraan ciidamada Qaranka. kuwaas oo ka aflaxay barnaamijki shaqo qaran ee uu aasaasay Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi .in ay kala yihiin 112 wiilal , iyo 14 hablood oo dhammaantood ka mid noqday ciidamada Millatariga,booliska iyo asluubta.

Sida aan filayo waa kooxdii ku soo gasha ciidamada qaranka qaabkan ah:

  1. Arday
  2. Shaqo qaran
  3. Ciidamo Qaran
  4. Sarkaal

Waa nidaam wanaagsan oo aan ku iman qaab ku dhisan:

  1. Suuq- joog
  2. Reer keen (oday caaqil ah)
  3. Ha naloo qarameeyo (jug soo dhacdey)
  4. Dable

Sidaa darteed waxaa la idinka rabaa in aad hogaan u noqotaan Ciidamada qaranka idinka oo ku hagidoona shuruucda,edebta,iyo dhaqanka,aqoonta wanaagsan ee wadaniyada iyo u adeega dadka iyo dalka Somaliland.

Waxaa ku timaateen dariiq saxa oo nidaam dawladeed ah sidaa darteed waa in aad wax ka bedeshaan dhaqanka ciidamada ee aan la socon Karin wakhtigan casriga ah.

Waxaa filayaa in aad yeelaan doontaan takhasusaad kala duwan oo qaarkiin noqondoonaan

  1. Dhakhaatiir
  2. Engineero
  3. Dhaqaale yahano
  4. Macalimiin
  5. Sharci yaqaano
  6. Xoogaga gaarka ah (special forces)

Iyo in ka badan oo la xidhiidha takhasuuska kala duwan ee ciidamada qaranka, sidaa darteed waxaa idin lee yahay nasiib wanaagsan dhamaantiin.

Hogaanka Media Group.

4
Oct

SARYAN MUSEUM WAA QAYB KA MIDA HORUMARKA SOMALILAND

Museum Saryan

Museumkan Saryan waa mid casri ah waxaa aan booqday 15/07/19 in kasta oo aanan wakhti badan u helin inaan kawada bogto taariikhda iyo asraarta ku duugan qaybaha uu museumku ka kooban yahay wakhtiga oo igu yaraa awgii hadana aad baan ugu qushuucay,ugana helay ,waxaa jirey dhalinyaro iyaguna daawanayey wakhtigaa Museum .

Runtii sideedaba  Museum yadu waxay ka mid yihiin waxyabaha lagu qiimeeyo heerka ay umadi ka gaadhey ilbaxnimada waxaana lagu kaadiyaa dhaxalka umada ee farsamada,dhaqanka.taariikhda,aqoonta iyo wax wal oo umadi ku soo dhaqmi jirtey bilowgii  ilaa maanta.

Waxaa kula talinayaa Hayadaha waxbarashada iyo kuwa dalxiisku inay taageeraan Museumkan oo ay ku dhiirigeliyaan ardayda iyo dadka dalxiisayasha ahba in ay booqdaan,walibana ardayda lageeyo Museumka oo ay wakhti ku soo qaataan,waxbarashadana lagu daro safarada(trips) gaagab oo lagu tago meelaha taariikhiga ah ama lagu keydiyo sida ardayda caalamkaba loo geeyo meelahaa.

Maamulka Meseumkana waxaa aan kula talin nayaa in uu u diyaariyo dadka dalxiiska ah ama dadka kale iyo ardaydaba maalmo ay soo bookhan karaan oo gaar ah.

Dadka reer Somalilandna waxaa kula talinayaa in ay Museum koodan dhaqaaleeyaan oo ay ku taageeraan xoog,xoolo iyo aqoonba.

Waad Mahadsan tihiin

diyaariye: Maxamed rashiid

3
Oct

Maxaa ka Jira in Shimbiro Dad qaad ahi Somaliland soo booqdeen!

3
Oct

SIYAASIINTYADU TIRO BADANAA OO TAYO XUMAA!

Maanta waxaa aan u qaatay mawduucan kor ku xusan,markaa aan in badan dersaayey hab dhaqanka qaar badan oo ka mida siyaasiinta reer Somaliland,guud ahaan sida ay hagardaamada ugu hayaan horumarka dadkooda iyo dalkooda,iyaga oo inta badani dantiisa gaarka ah ka horumarinaya waxwalba arintaasi waxay igu dhalisay in aan si guud uga hadlo siyaasiga iyo shaqadiisa tilmaamo dhaliilaha jira dadka Somaliland u bayaamiyo dantoodu waxa ay ku jirto.

  1. Ugu horeyn waxaa aan rabaa in aynu qeexno siyaasi waxaa uu yahay oo ugu horeyn ka jawaabno su’aashan:
  2. Waa maxay siyaasi?
  3. Siyaasi waa shaqsi ku firficoon siyaasada xisbi, ama waa shaqsi haya ama doonaya in uu xil ka qabto xafiis dawladeed, Siyaasiintu waxay soo jeediyaan sharciyada,taageeraan oo abuuraan ama kordhinta siyaasadaha xukunka dalka iyo dadkiisa.
  4. Siyaasi waa shaqsi si xirfad leh ugu lug leh siyaasada,qaas ahaan haya xil xafiis loo doortey.
  5. Siyaasi waa qof u dhaqma si khiyaano ah iyo hab marin habaabin ah caadiyan inuu horumar ka helo ha’ad.

Qeexida siyaasi kuma koobna 3 dan oo kaliya balse waa ay ka badan yihiin cilmi ahaan sida ay aqoonyahanda cilmiga bulshadu u qeexaan ama u taxliiliyaan,balse nuxurka aan u jeedaa waa in aynu wax ka fahano uun siyaasi waxaa uu yahay.

  • Waa maxay Shaqada Siyaasigu?

Marka aynu si kooban u eegno waxaynu ku soo ururin karnaa:

Go,aan qaadasho,sameynta siyaasadaha iyo dastuurka,wadida hawlaha qaran ee loo idmadey,jihaynta iyo qorsheynta sida dhaqaalaha,siyaasada,nabadgelyada iyo arimaha bulshada ee qaranka u hogaamin lahaa jidka guusha.

Tusaale:

Laga soo bilaabo xildhibaanada deegaanka ilaa  cida markaa haysa xilka madaxtooyada Somaliland siyaasiintu waxay sameeyaan go’aano  muhiima sameyn ku leh qaabeynta dhamaan dhinacyada siyaasada,dhaqaalaha,arimaha bulshada,nabadgelyada iwm nolosha dadka reer Somaliland.

Waxaa aan filayaa in intaasi inaga filan tahay fahanka guud ee siyaasiga,imika hadii aan u soo noqdo ujeedada qoraalkaygan gaaban.

Maxaa aan u doortey ciwaanka ah SIYAASIINTYADU TIRO BADANAA OO TAYO XUMAA!

  1. Siyaasadu waa waxqabad wadareed dhexyaala kooxo

Tusaale Somaliland waxay leedahay 3 xisbi siyaasadeed qaran sida ku cad dastuurka iyo shirciyada asxaabta sidaa darteed siyaasada Somaliland waxay isku keenaysaa oo si wadar ah uga dhexeysaa seddexdaas xusbi,waanay dhaxtaalaa wax qabadkeeda, tusaale ahaan golaha wakiilada Somaliland waxay ka soo baxeen mid ka mida asxaabta saddexda ah,uun.Marka uu shaqsigu noqdo xubin bar barlamaan wuxuu wakil ka yahay siyaasada qaranka.

Markaa hadii aynu tusaale u soo qaadano dhibatada Ceel-afweyn cida ugu horeysa ee laga rabo in ay faragelisaa waa:

  • Wakiilada heer degaan iyo kuwa heer qaran ee degaankaas laga soo doortey,iyaga oo baadhaya kormeeraya ururinaya xogta laga diyaariyey ee haydaha nabadgelyada degaanku (degmada Ceel-Afweyn) hayaan.
  • In qiimeeyaan xaalada guud ee degmaanta
  • In ay soo saaraan go’aano iyo talooyin ku saabsan dhibaatooyinka gobolkaasi iyo taloyinka lagu xalilayo.

Taas bedelkeeda waxaa aad moodaa in aaney warba ka hayn ama aan bad an ka lahay siyaasiinta degaankaasi wax aka socda degaankooda,oo ay u arkaan in cid kale xilkaasi saran yahay.

Waxaa iyaguna talada tu la mida saareyd in ay qaataan waa Gudoomiyasha iyo golaha degmada ee saddexda xisbi qaran saaxada kamaba muuqdaan oo maba arkeysid xisbiyo firfircoon oo degaanka ceel afweyn oo ka hadlaya dhibaatadaasi.

Xitaa Siyaasiinta heer qaran ee saddexda xisbi kama muuqdaan in ay qayb ka galaan deminta Xasarada Ceel-Afweyn. Waxaaney Madaxdoodu inoo sheegayaan in dhibaatada Ceel-Afweyn tahay mid weyn waxaad moodaa markey Media yah aka hadlayaan kuwo raadinaya  cidii dhibkan xalin lahayd oo kol dawlada ayey ku riixayaan kol cid kale ayey farta ku fiicayaan, ogow waa xilkooda waxan ay doondoonayaan cidii qaban lahayd.Arimahaasi oo dhami waa qayb ka mida tayo xumida iyo tiro badnida Siyaasiinta Somaliland.

Dhibaatada Somaliland maanta haysataa waa Siyaasinta oo aan lahayn aragti fog,iyaga oo doonaya madaxtanimo kursi oo kaliya balse aan rabin in ay isbedel keenan lagu horumarinayo siyaasada dhaqaalaha iyo nolosha bulshada,taas bedelkeeda waa kuwo u soo xoogsi tegey dal aanad moodeynin dalkoodii.

Somaliland ahaan siyaasiidta Somaliland ee ku jira siyaasada hadii aynu tirino kama yara ilaa 1000 oo qof hadii aaney ka badneyn Sida:

Tirada golaha Guurtida iyo golaha wakiilada

Golaha Wasiirada iyo Safiirada

 ,Xisbiga kulmiye,Wadani iyo UCID

Qiyaastaa intaas oo shaqsi iyo kuwo kale oo siyaasada hawlgab ka noqday waxaa ay yihiin kuwo la rabay in Somaliland cusub u fikiraan oo ay dhisaan,dal barwaaqo ah oo ka mida kuwa caalamka ugu dhaqaale iyo nololba fiican.Hadii la helilahaa siyaasiin dhexda u xidha dhismaha dhaqaale iyo siyaasadeed bulsho mudo yar ayaa Somaliland ku noqon lahayd mid isku filan,oo dadkeedu noqdaan kuwo ku raaxaysta nicmada Alle (swt) Dhigay dhulkooda ee ay ka qaawan yihiin.Arinta kale ee xusida mudani waxay tahay siyaasinta tirade badani ee tayada lahayni ma kala garataan arimaha danta guud  ( public interest) iyo waxaaney dani ugu jirin qaranka,waxaad arkeysaa in badan siyaasiintaasi oo iyagu aan la gabaneynin iney aragti ahaan lidi ku yihiin nabadgelyada qaranka,sidaa qof siyaasiya oo aan rabin jiritaanka Somaliland uu hadana mushar uga qaataa maalka qaranka,waa arimaha la yaabka leh ee aad ka heleysid Somaliland siyaasiintooda.

La soco …………………

25
Sep

TAARIIKH QIIMO BADAN IYO XAAJI CABDIKARIIM (ALLE .N.J) HA SIIYEE

19
Aug

Dad laga rarey Xarun ciidan oo hargeysa ku taala

8
Aug

Crowdfund London: coming to a street near you?

Imagine a space where you can grow food, watch films, eat well, learn carpentry, experience camping and make new friends. Just for starters. A place that inspires and welcomes. An urban oasis. And all down the road from where you live.

Step forward Tottenham Café Connect. Formerly an unloved bowling club, now a community hub serving a diverse community and – crucially – a safe space for young people to hang out, learn new skills and not get bored – thanks to £37,000 funding from Crowdfund London.

Mayor of London, Sadiq Khan, recently visited the café in Haringey to launch his £1 million Crowdfund London 2019 Programme. He described the café as an inspirational example of how crowdfunding works in relation to civic projects and called on the capital’s businesses, foundations and philanthropists to rally behind the programme.

“We want to harness that entrepreneurial spirit and apply it to the challenges and opportunities faced by communities across the capital. So I urge anyone with a creative project to consider applying to this year’s crowdfunding programme.”

Get involved

For the uninitiated, Crowdfund London uses crowdfunding technology to raise funding for community-led projects across the city. Civic crowdfunding platform Spacehive is helping deliver the programme and entrants have until May 1 to apply for up to £50,000 in funding.

You don’t have to have done anything like this before to get involved.

If you have an idea – or the seed of an idea – about how to make your neighbourhood better, you’ll be pushing at an open door. The whole point of Crowdfund London is to trigger the creativity, harness the experience and build the confidence of local people.

It’s called people-powered regeneration and it’s supported by London Economic Action Partnership (LEAP).

In the words of Alexandra Depledge MBE, LEAP member: “Real magic happens when communities come together. Local people know best what’s best for their communities and Crowdfund London is all about getting these voices heard.”

Successful projects so far have included a self-build community space in Lewisham, a library of things in Crystal Palace, a light installation celebrating local culture in Southall and a market run by and for teenagers in Barnet.

11
May

UMAD ORGANISATION IYO AFURI WALAALKA!

Ururka UMAD oo ka mida ururada isku xilqaamey iney qayb ka qaataan horumarinta bulshadooda, ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, iyo arimaha bulshada ayaa maal mahan ba hawl aad u balaadhan oo lagu afurinayo dad danyar ah ka wadey meelo ay ka mid tahay magaalada Hargeysa iyo agaarkeeda,Siday ila xog ogaal ahi uga warameyn hogaanka media group ayaa waxay ilahaasi sheegeen in ururkaasi si weyn uga qayb qaatey barnaamuj lagu afurinayo dadka ururkani sida rasmiga ugu shaqeeyo,ilaa hada waxaa si habsamiya u socda halaha lagu afurinayo dadkaasi,hadaba waxaa iska kaashadey bulshada qaybaheedada kala duwan ee UMAD organisation xubnihiisa iyo madaxdiisa daafaha caaalamka iyo taageerayaashooda. hogaanka media group wuxuu amaan u soo jeedinayaa dhamaanba qaybaha kala duwan ee hawlwadeenada UMAD ee daafaha caalamka sida ayuga qayb qaataan horumarinta dadkooda,iyaga oo si nafhuradnimo ah ugu adeega dadkooda oo had iyo jeerba caawiya kana qayb qaatada taageerada iyo taakuleynta dadkooda jilicsan. Guud ahaan waxaa aan u soo jeedinaynaa in gacan lagu siiyo oo tabarucaadka laga qayb qaato ururkana lagu taageero hawlahaasi balaadhan ee ay umadooda u hayaan.

Intii ka qayb qaadateyna Allah(swt) Misaanka Xasaanaadka ha ugu daro, Wadajirka iyo walaalnimadu waa astaanta horumarka bulshada.

3
May

Hereri iyo Cisbitaalka Guven ee Turkey ga

20
Apr

MAXAA U SABABA IN DHULKA MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE SOMALILAND LAYSKU QABSADO?

Waa Su’aal u baahan in si weyn loo derso si jawaab saxa loogu helo weeyaan arinta ku saabsan dhulka oo dhibaato ka taagan tahay.

Taariikh ahaan Somaliland dhulka dhibaatadiisu waxay ka soo bilaaban tahay sanadadii 1979 kii dhamaadkiisii ilaa hadada aynu joogno, waxaana dhul murankiisu ka bilowdey magaalada Hargeysa oo ahayd wakhtigaa Caasimadii labaad ee Dalkii laysku odhan jirey Jamhuuriyada Dumuqraadiga Somaliya,oo wakhtigaa uu madaxweyne ka ahaa Kelidii taliyihii Maxamed Siyaad.

Waxaa Sabab u ahaa dhowr arimood in dhulka magaalada hargeysa uu noqdo mid laysku qabqabsado waxaana ka xusi karaa:

  1. Magaalada hargeysa oo si xawli ah u balaadhaneysey, oo dad badani ku soo guureyn,sida
  2. Qoxootiyo tiro badan oo kaga yimi dhinaca itoobiya kuwaas oo ay sababeyn dagaaladii 1977 Somaliya iyo Ethoipa dhexmarey
  3. Dad xoogsato ah oo u soo xoogsi tegey kuwaas oo kaga yimi goboladii kale ee Somaliya
  4. Shaqaale iyo Ciidamo tiro badan oo loo soo bedelay Goboladii waqooyi
  5. Dadkii reer guuraaga ahaa ee Magaalada u dhowaa oo u soo hayaamay Magaalada.
  6. Dad badan oo ka soo xoogsadey dalalka khaliijka oo u baahday guryo ay ka dhistaan magaalada hargeysa.
  7. Dawladii hoose iyo Golihii degaanka ee maamulayey oo aan qorshe iyo nidaam lagu maamulo Caasimada Labaad ee Dalka aan u dejin,iyaga oo aaney jirin daraasad iyo qiimeyn ay ku sameeyeen wax ka qabashada balaadhashada Magaalada.
  8. Iyada oo Dhulkii banaanaa loo qoirsheyey oo loo qaybiyey dad aan xaq u lahayn oo ka tirsanaa Saraakiishii saree e Ciidamada Qaybtii 26 aad iyo Shaqaalihii kale ee Konfurta laga soo bedelay,si loogu guneeyo oo ay dadka dib uga iibiyaan dhaqaalena ay ka helaan.
  9. Dadka Maamulaya dhulka oo aan Aqoon iyo Waayo aragnimo u lahaynd sida loo qorsheeyo magaalooyinka  iyo iyaga oo bilaabay iney ka ganacsadaan dhulka.

Arimahaasi iyo kuwo kale oo jirey ayaa sababey in dhibaatada dhulku ay gaadho heer ay dadkii ku colobaan,oo dad badani madaxa isla galaan iskuna qabsadaan dhulkii banaanaa, waxaa magaalada hargeysa dawladii Siyaad Bare ka dhistey Gudi ka garnaqda dhulka laysku haysto ee degaanka ah gudigaas  oo Loogu magacaabi jirey Gudiga Garsoorka Dhulka, arintaasi wax dawa ah ma keenin ee waxay sii xoojisey musuqii iyo laalushkii lagu kala qaadanayey arimaha dhulka.Sida ay arinta dhulku sidaa u ahayd ayaa waxaa yimi Bishii May ee 1988 in Dawladii Siyaad Bare iyo Dagaal yahanadii SNM dagaal faraha laga gubtey ku dhexmaray Goboladii Waqooyi halkaasna dadkii rayidka ahaa wixii ka badbaadey xasuuqii Siyaad bare ka qaxaan magooyinkii iyo tuulooyinkii waaweynaa.

Arintaa waalaga dheregsan yahay sidey u dhacdey waxaynay ahayd arin taariikheed oo in Dadka reer Hargeysa ee dhulka isku haystey ku cimro qaataan ay mudney markii laga qaxay jagooyinkii laysku haystey iyo xitaa guryihii dhisnaa ee wax waliba hoos yaaleen.

Hadaba 1991 bilowgiisii bishii January markii magaalada Muqdisho laga xoreyey keligii taliyihii Maxamed Siyaad iyo Dawladiisii waxaa dib loogu soo noqday magalooyinkii Waaweynaa ee Somaliland, Hada waxaa aad moodaa in hadana dhulka oo laysku haystaa ay noqotey dhaqan ka mida dhaqanada xun xun ee bulshadeenu caadeysatey arintaana waxaa u sabab ah:

  1. Dhulkii oo ganacsi galey oo ka mid noqdey waxyaabaha sida fudud lacagta looga sameeyo
  2. Dawladii hoose iyo golihii deegaanka oo aan wax qorshe ah u sameynin dadka doonaya in ay magaalooyinka guryo ka dhistaan,sida magaalooyinka waaweyn ee hargeysi ka mid tahay
  3. Maamulka iyo shaqaalaha dawladaha hoose gaar ahaan kuwo caasimada oo aan aqoon iyo waayo aragnimo midna u lahayn qaabka loo qorsheeyo caasimadaha koraya
  4. Sharciyada dhulka oo aan ahayn mid dhameys tiran iyada oo nashaqadaha iyo farasamada ay isticmaalaan dawlada hoose ee hargeysi ay tahay farsamadii hore ay ka dhexleyn dawladihii hore ee somaliya iyada oo hada aqoonta carsiga ahi fududeysey sida loo qorsheeyo dhulka ayaa habkii gaboobey weli lagu hagaa dawlaha hoose ee Somaliland.
  5. Garsoorka dhulka oo aan kala saarin dadka iskula yimaada.

Arimahaasi waa kuwo keenay in maanta xitaa laysku haysto dhulka la lee yahay waxaa laga dhisayaa Madaxtooyada Somaliland.

Marka aad aragto dhibaatooyinka noocaas ah ayaad isweydiinaysaa su’aalo badan oo u baahan in laga jawaabo, dhibaatada dhulka laysku haysto ee ay ka mid tahay meesha madaxtooyada laga dhisayo. bale waxaa loo baahan yahay in dhinacyada isku haya ee dawladu ka mid tahay in ay dadka u cadeeyaan sababta dhulkaas oo muran ka taagnaa mudo dheer loogu qorsheyey in madaxtooyada qaranka laga dhiso. Anigu waxaa aan qabaa in xal horta laga gaadho  oo si fiican loo xalilo,waala og yahay sharciyan dhulka dalka oo dhan in ay dawladu masuul ka tahay, balse waxaa khalad ah in aad dadka dhulkaa degenaa aan lagala tashan sida muuqata,dawladana waxaa la gudboon in ay jawaab ka bixiso oo ay cadeyso sifaha dhulkaasi ninka odeyga ah ee reerkiisu degen yihiin looga qaadey,madaama uu sheegay in dhulkaasi dad kale isku haysteen wakhtiyo badana loo xukumey oo uu hawlo badan iyo wakhti lacag iwm ka galeen intaas  oo dacwadood ee heer walba leh. Anagu ma ogin waxaa uu sheeganayaa iney run tahay iyo in kale dawladii ka hadlilahayna way ka aamustey markaa maxaa qaldan.

Mahadsanidin Dhamaantiin

7
Mar

Warbixin ku saabsan Iibsiga Guriyaha ee Somalida Mareykanka!

6
Mar

Macalin ilaa Mujaahid waayo is barkan Waregsi xiiso Badan!

26
Feb

Hereri iyo Zambia Qaybtii 2aad

13
Feb

HERERI IYO ZAMBIA Q:1

11
Jan

SALAADIINTII LA KULMAY MADAXDA QARANKA SOMALILAND

1
Jan

Maxaa Ka Run ah caqligaaga la kaasho!

31
Dec

Safiirka Somaliya ee Kenya Maxaa uu inoo Sheegay ….Mudane Tarsan?

31
Dec

Taliyihii dhisay Ciidamada Asluubta ee Dawladii Somaliya Xornimadii iyo isku darkii labada Gobol

21
Dec

Hereri iyo france Q:1aad

%d bloggers like this: