Skip to content

Posts from the ‘Articles’ Category

30
Oct

BILAD SHARAF LA GUDOONSIIYEY DUULIYE SARE AHMED DHEERE

26
Oct

HAMBALYO CIIDAMADA BOLISKA SOMALILAND

Ciidamada kala duwan ee Somaliland hawlo wax ku ool ah ayey u hayaan guud ahaan qaranka Somaliland. Waxaa looga baahan yahay Siyaasiinta,Ganacsatada,dadweynaha in la isku kaashado sidii ciidamada gacan loogu siin lahaa hawlahaa ay inoo hayaan,waa in kor loo qaadaa noloshooda,aqoontooda, guriyo qiimo jaban loo dhisaa. Waynu og nahay duruufaha adag ee ku hareereysan,balse waxay ku amaanan yihiin kaalinta ay ka geystaan nabadgelyada,ilaalinta dhaqaalaha,difaaca qaranimada.hogaanka.org waxa uu hambalyo u dirayaa ciidamada booliska Somaaliland oo ku guuleystey in gacanta ku dhigaan lacag ka badan hal milyan oo dollar fake ah,si loogu dhaco hantidada dadka reer Somaliland khalkhalna lagu geliyo nidaamka maliyadeed ee shacabka iyo qaranba. Dadka iyo dawlada Somalilandba waxaa la gudboon in isha ku hayaan hagardaamooyinka loo soo maleegayo.

25
Oct

“Qiimeyn ma arag!”: Baxsan ma heshay aaskii qaran ee ay u baahnayd?

  • Maxamed Cabdullaahi Dhaaley
  • Weriye madaxbannaan

22 Oktoobar 2020

Fannaadadii caanka ahayd, Saynab Xaaji Cali - Baxsan waxay geeriyootay habeenkii Arbacada.
Qoraalka sawirka,Fannaadadii caanka ahayd, Saynab Xaaji Cali – Baxsan waxay geeriyootay habeenkii Arbacada.

Seynab Xaaji Cali Baxsan: Astaan halgan, aasaas faneed iyo ilays 60 sano ka badan ifinayay masraxa heesaha Soomaalida ayaa ku geeriyootay Muqdisho!

Warbixintan oo uu qorey Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey oo ah weriye madaxbannaan wuxuu ku eegayaa waayihii faneed ee Saynab Xaaji Cali Baxsan iyo wixii ay saluugeysay burburkii ka dib.

Waa tuma Baxsan?

Sannadkii 1935 ayay ku dhalatay deegaanka Baabuli ee dhulkii Soomaaliyeed ee loo yaqaannay Hawdka, oo hadda loo garanayo Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guduudo Carwo oo ahayd gabadhii u horreysay ee idaacad ka heesta ayey isku sannad dhasheen , markii dambena ay saaxibbo noqdeen waxayna magaalada Addis Abab ku kulmeen 1952.

Dad ka qaybgalay aaska Baxsan, oo ay ehelkeeda iyo qaar bahda fanka ka mida ku jiraan, waxa ay saluugeen sagootintii loo sameeyay meydka marxuumadda, waxaana dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee ay lixdanka sano dartood u soo halgamaysa lagu dhaliilay in aanay Baxsan guddoonsiin maamuskii ay mudnayd oo ahaa in aas ballaaran loo sameeyo.

Mar la weydiiyay sida qiimihii dadku isu hayeen uu isu badalay, way qososhay waxayna tiri: “Fan iska daa, qof qofka kale qiimeynayaa maba jiro. Anigu ma arag, qof qiimeynaya qof kale”.

Sannadkii 2016-kii, wareysi ay siisay weriye Cumar Seerbiya waxay ku tiri: “Qiimo ma arag! dadku wuu is wada jeclaa, waa la is wada qiimeyn jiray. Darajo lahow ama ha lahaanin. Waa la isa soo dhoweyn jiray. Hadda labadii istaqaanaba way kala jeedaan. Cudur baa ku dhacay Soomaaliyee, caafimaad Alle ha siiyo!”

Magaceedu waa Saynab Xaaji Cali Siigaale. Si la mida ah gabdhihii Soomaaliyeed ee xilligeeda fanka soo galay ayay u lahayd koofaar magaceeda ku sidkan oo ahayd Baxsan.

Magaca Baxsan waxa u bixisay Shamis Abuukar, Guduudo Carwo. Saaxiibtinimada ka dhaxaysay awgeed, Baxsan sannadkasta booqan jirtay Guduudo oo dhawr iyo labaatan sanno ku xanuusnayd Hargeysa.

Xilli uu fanka miyuusigga watay ee Soomaalidu uu soo shaac-baxayay, dhif iyo dhaqan aanay dadku la qabsan ahaydna in ay gabdhuhu heesaan, ayey Baxsan ku soo biirtay heesaha. Xilligaas waxay haweenka ka baqi jireen in faquuq ay la kulmaan. Waxay ahayd wakhti inta badan heesaha cod ahaan loo duubi jiray oo muuqaallada la daawado aanan aad loo aqoonin.

Dumarkii heesay waxaa Baxsan ka horeeyay Guduudo Carwo iyo Khadiijo Cabdullaahi Dalays, waxaana la qiyaasayaa in gabadhii seddaxaad ee heesta ay ahayd.

Waxa ay Saynab Xaaji Cali Siigaale hanaqaadkeediiba ku indhafuratay dhulkii ay ku noolayd oo uu gummeystihii Ingiriisku ku daray boqortooyadii Xabashida.

Guuxa xornimadoonku waxa uu beryahaas si xooggan u gilgilayay dhammaan dhulalkii Soomaaliyeed ee uu gummeystuhu kala qaybsaday. Si gaar ah, deegaannadii ay u bidhaamaysay rajada madaxbannaanida ayaa noqday meelaha ay soo tiigsadaan qaar badan oo ka mida dhallinyaradii deegaannada kale joogtay ee hiyikacday, una hammuunqabtay in ay mar uun arkaan dal iyo dowlad ay ku abtirsadaan.

Saynab-baxsan ayaa ka mid ahayd jiilalkii berigaas ka soo tallaabay diillintii xuduudda ee lagu kala dhantaallay dhulka Soomaaliyeed, iyada oo soo gaartay goballada Waqooyi ee uu Ingiriisku ka talinayay.

Markii ay dhalatay dowladdii Soomaaliyeed ee ay ku midoobeen labadii gobal ee Waqooyi iyo Koofur, waxa ay Saynab ka mid noqotay ciidamadii Xoogga Dalka.

Markii ay Muqdisho ku noqotay, waxaa si wayn u soo dhoweeyay dad kala duwan
Qoraalka sawirka,Markii ay Muqdisho ku noqotay, waxaa si wayn u soo dhoweeyay dad kala duwan

Soo-ifbaxa iyo saanqaadka fankeeduna waxa uu intiisa badan xiriir la lahaa ciidamada. Ruwaayaddii ugu horreysay ee ay Baxsan ka qaybgasho waxaa lagu magacaabi jiray Alla Aamin Ma Iisho, waxaana curiyay abwaan Axmed Saleebaan Bidde. Hees ay caan ku ahayd oo ruwaayaddaas ku jirtayna waxaa erayadeeda ka mid ahaa:

Dhowr gu’yaal baad guud dabnayd e

Yaad gaboobine guursa baan laa

Guri samaysaan talo ku goostee

Sow tan gees kale iila guurtay

Sida la ii galay, garawsan maayee

Geeri doortaye, maant aan go’o

Dhacdooyinka ay keydadka taariikheed ee ummadda Soomaalida ku gashay Baxsan waxaa ka mid ah, ka-qaybgalkeedii dagaalkii ugu horreeyay ee dhex mara Itoobiya iyo dowladdii Soomaalida, sannadkii 1964, markaas oo ay askartii Soomaaliyeed ee jiidda dagaalka jilbaha ku aastay tamar iyo taagba ka helayeen codkeedii macaanaa oo ay ku qaadeysay heeso ay ku guubaabinaysay kuna geessinimo-gelinaysay askartii dagaallamaysay.

Heesaha caanka ah ee illaa iyo maanta wax u dhigma oo ciidan Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo aanan la helin waxaa ka mid ahaa heesta uu miraheeda curiyay abwaan Cismaan Aadan Askari ee dhahaysa:

Xudduudkan gadaaman

Ee gaalku sameystay

Inaan ka gudbaayo

Waan garanaayay

Geesiyaashii guntaayow

Geyshkaygow guuleysta

Guulaysta guuleysta

Guul lagu reeyo guuleysta

Weriye Cumar Seerbiya oo mar wareystay Baxsan
Qoraalka sawirka,Weriye Cumar Seerbiya oo mar wareystay Baxsan

Waxaa Baxsan lagu xasuustaa in ay ka mid ahayd geesiyaashii ay dowladdii Soomaalidu billadaha ku guuddoonsisay kaalintii ay ka qaateen dagaalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay la gashay Itoobiya.

Waxaana xusid mudan in billadaha ay heshay ay noqdeen qayb ka mida dhaxalkii xusuuseed ee ay ka reebatay waayaheedii faneed iyo midkeedii halgan ee nus qarniga ka badan soo taxnaa, kaas oo illaa ay ka geeriyootay ahaa mid aan laga waayin hareeraheeda iyo halkii ay ku noolayd.

Heesihii kale ee gobannimodoonka la xiriiray oo ay Baxsan ku caan-baxday waxaa ka mid ahaa tan ay dad badan u yaqaanaan Sabaalo, oo ay iyada iyo Cali Diiriye (Cali-gaab) wada qaadi jireen, Alle ha u naxariisto e. Heestaas oo uu erayadeeda sameeyay Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub waxaa ka mid ahaa:

Dantu seeto weeyoo

Ninna kama siqaayoo

Sababtaa ma dhaaftide

Waan ku soo salaamiyo

Sidee tahayda guudnimo

Cudur kaama saartee

Silic laguma waaroo

Sahaydaad habeenkii

Lagu siin ma waydide

Waa saaddambiyo shalay

Sareedada adduunyadu

Saacad kala wareegtee

Saaddiyo ishaartii

La I siiyay xalay baan

Suurtoobin weliyee

Si’ ay noqon Allaa oge

Samir aan lahaano

Kaalintii faneed ee Baxsan, in kasta oo ay ahayd mid ballaaran oo baaxad weyn, haddana riwaayadihii caanka ahayd ee ay ka qaybgashay waxaa ugu caansanaa; Alle Aamin Ma Iisho oo uu Axmed Saleebaan Bidde allifay; Waraf iyo Shimbiro War Isuma Hayaan oo uu Cismaan Aadan Askari curiyay; Gar cadaawo iyo Caashaq oo uu Yuusuf Aadan Allaale curiyay iyo ruwaayaddii mar dambe filmika loo beddelay ee Cilmi iyo Caado oo uu Yuusuf Aadan Allaale allifay.

Saynab Xaaji Cali waxa ay tixgelin gaar ah ku lahayd fanka qaybtiisa waddaniga oo aad loogu yaqaannay.

Sida ay ku xustay wareysi barta Youtube-ka ku jira oo 2016 uu Xamar kula yeeshay weriye Cumar Seerbiya, qaadista heesaha waddaniyadda waxa ay ahayd mid ay Baxsan iyadu si gaar ah u jeclayd una dooratay.

Waxaase jira heeso dhowr ah oo jacayl ah oo ay ku caan ahayd, sida heeska ‘Cirradiyo Jacaylka’ oo uu erayadiida sameeyay abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Singub, taas oo ay sheegtay in ay iyadu ka codsatay abwaanka mar ay la tacaalaysay jacayl da’ weyni ku halleelay.

Presentational grey line

Heesaha kale ee ay Baxsan qaadday oo kuwa aan kor ku soo xusnay aan ahayn waxaan ka mida:

1. Wax saar ama [Nin weyn waa og yahay wedkii dilayo] oo ay isla qaadaan Maxamed Yuusuf Cabdi (ahun) kuna jirtay ruwaayaddii Alle Aamin Ma Iisho ee uu curiyay Axmed Saleebaan Bidde

2. Toogo [waa tabaala adduun e, rabbi hay nala tiirsho] oo uu sidoo kale la qaado Maxamed Yuusuf Cabdi isla ruwaayadda horena ku jirtay

3. Dorraato miyaad illowday, oo uu la qaado Axmed Cali Cigaal, kuna jirtay riwaayaddii Dhedo Roob noqon wayday oo uu Cabdullaahi Diiriye Sooraan allifay

4. Kaftankuna inoo furan oo uu isla Cigaal la qaado kuna jirtay isla ruwaayadda Dhedo Roob Noqon weyday

5. Kibirka Waa lagu duma oo ay Cigaal wada qaadaan kuna jirtay isla ruwaayadda hore

6. Diiday Ha I Maqashiin oo ay wada qaadaan Xasan Aadan Samatar, kuna jirtay ruwaayaddii Gar Cadaawe iyo Caashaq oo uu allifay abwaan Yuusuf Aadan Allaale

7. Ma heshiin karayn, oo ay wada qaadaan isla Xasan Aadan Samatar, kuna jirtay isla ruwaayadda hore ee abwaan Yuusuf Allaale

6. Eebbow Mahaddaa (Niya udug leh. Sida ubaxa. Alleylehe helnee. Eebbow mahaddaa) iyo heeso kale

Presentational grey line

Ilaahay ha u naxariisto e, Saynab Xaaji Cali Baxsan oo dadka fanyaqaanka ah ay aaminsan yihiin inay ka mid ahayd gabdihii ugu horreeyay ee ku soo biira fan-masraxeedka Soomaalida, ayaa Talaadii, 20-ka Oktoober 2020, lagu aasay magaalada Muqdisho oo ay maalin ka hor ku dhimatay.

Waxaana ay geerideedu ifka ka gelbisay mid ka mida hooballadii ugu da’da weynaa ee ifka ku sii dambeeyay, xilli ay inta badan hooballadii waaweynaa ee fanka Soomaalidu ay dunida isaga carraabeen.

Sidoo kale, geerida Baxsan waxa ay kordhisay tirada fannaaniintii hore ee sannadkaan gudihiisa geeriyooday, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, Cabdi Tahaliil Warsame, Cumar Cabdule Shoolli iyo Daa’uud Cali Masxaf.

La yaabkuse waxa uu yahay in Baxsan, iyada oo nool ay saluugtay qiimo-tirka ay la kulmaan dadka waxgalka ah ee Soomaaliya.

*Waxaa qoray Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey oo wax ka qora arrimaha fanka oo ku sugan Britain

Source :BBC Somali

25
Oct

The United Nations, 75 years young: Engaging youth social entrepreneurs to accelerate the SDGs — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com

This article was written for The European Sting by Ms. Armida Salsiah Alisjahbana, United Nations Under-Secretary-General and Executive Secretary of the United Nations Economic and Social Commission for Asia and the Pacific (ESCAP). The opinions expressed in this article belong to our distinguished writer. This year, the United Nations is marking its 75th anniversary – a milestone […]

The United Nations, 75 years young: Engaging youth social entrepreneurs to accelerate the SDGs — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com
24
Oct

Isku soo Sharxida Golaha Wakiilada ee Dr.Maxamuud Yusuf Cilmi Waa Arin farxad iyo kudayasho mudan

Dr. Maxamuud waa nin qiimo ku leh Somaliland iyo Jabuutiba waa nin wax weyn ka bedelidoona Golaha wakiilada Somaliland reer Berbera waxaa ay u tahay sharaf weyn in Maxamuud uu Berbera iska soo Sharaxo sidaa darteed reer Berbera waxaa la gudboon iney Cod aan reer qudha ahayn siiyaan waa muwaadin horumarka iyo aqoontaba ku kaabidoona Somaliland iyo Reer berberaba ugu dambeyntii Hogaanka.org wuxuu u hambaleenayaa Dr. Maxamuud waxaanu u rajeynaynaa in uu Allah (swt) ku guuleysiiyo hankiisa AAmiin Yaa Allah.

Qayb ka mid hawlaha balaadhan ee uu rabo Dr, Maxamuud inuu wax kala qabto bulshada gobolka saaxil gaar ahaan guud ahaana Somaliland oo dhan waxaa ka mid ah:

23
Oct

DIB U SOO NOQOSHADII MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO SOO JIDMARKIISII

22
Oct

Member states must stop selling EU passports immediately, MEPs demand — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com

This article is brought to you in association with the European Parliament. EU citizenship cannot be traded as a commodity, according to a majority of speakers, who want to end the “golden passports” schemes currently in place in some member states. In a plenary debate with Justice Commissioner Didier Reynders, MEPs stressed the inherent risks that […]

Member states must stop selling EU passports immediately, MEPs demand — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com
21
Oct

MAXAA KA JIRA SHEEKADAN NAADIRKA AH?

Xisbiyada Siyaasadu ee Somaliland waa kuwo sharci ah dimoqraadiya tilmaami kara dayaca kala duwan iyo dhaliilaha ka jira maamulka iyo habsimada hawlaha qaranka guud ahaan iyo gaar ahaanba waxaana waajib ku ah haydaha amaanku iney la shaqeeyaan cid kasta oo hawsheeda gudanaya gacana ku siiyaan hadii hadalkaasi run yahay waa arin u baahan in dawladu tabaabo ka qaado cid kasta oo ku gabool fasha sharciga iyo kala dambeynta, ereyada waan ku dilayaa,waan ku xidhayaa waa ereyo aad u ilita balse leh miisaankooda sharci iyo anshax hadaba xisbiyada mucaaridka ah waxaa la gudboon iney shaqadooda qabsadaan balse iyagana waxaa ka muuqda in aaney si habsami ah u qabsaneynin shaqadooda mucaaridnimo oo xanuun kursi uun uu hayo iyagaana waxaa haboon in xildhibaanadooda ugu jiri golaha deegaanka la xisaabtamaan waayo maayirkada oo qudh ahi ma maamulaahan degmooyinka balse waxaa jira golayaal deegaan oo ka kooban xisbiyada oo dhan maxaa diidaya inta ay u yeedhaan xildhibaanada ka soo baxay xisbiyadooda in ay kula xisaabtamaan shaqada iyo siyaasada xisbiyadooda ee golayaasha dhexdooda.

21
Oct

HAMBALYO Dr AMINA XIRSI MOOGE MAALGELIN BALAADHAN

Dr. Amina Waxaanu u rajeneynaa maalgelinteeda in Allah(swt) u barakeeyo waxaanu kale oo ku buurinaynaa in ay maalgelin balaadhana ku sameyso Jamhuuriyada Somaliland oo ah wadan dihin oo horumarkiisu soo ifayo mustaqbalka dhow waa hadii dadkiisu rabaan sidaasi.

20
Oct

HAMBALYO CABDIRASAAQ ARDEY IYO SHAQAALE DADAALEY

19
Oct

Madaxweynaha Somaliland iyo Soo dhaweynta gobolka Togdheer

Madaxweyne muusow waxaa lagaa rabaa in aad dadkaaga iyo dalkaaga u horseetid horumar,barwaaqo,dimoqraadiyad ,sinaan iyo cadaalad waari meysid war wanaagsani ha kaa hadho waad aragtaa sida lagugu soo dhaweenayo gobol kasta oo somaliland ah hadaba waa in aad adsiguna abaalka shacbigaaga ka dhigtaa mid ay kugu xusaan waxqabad iyo horumar dalka ka ilaalisaa dayaca dadka u sameysaa caafimaad,waxbarasho jidad wanaagsan shaqo abuur iyo horumar lagu gaadho citiraaf nabad iyo barwaaqo loo siman yahay.

Waxaanu eegi doonaa markaad hargeysa ku soo noqoto hadii Allah idmo waxaa aad isbedel sameyso taas ayaa saldhig u noqondoonta ayahaaga siyaasadeed ee mustaqbalka …………..Soo noqo adoo nabada. Hargeysa jidadkeeda qoshe qaran u samee caasimadu way aradan tahaye dalna horumarkiisa waxaa laga eegaa caasamadiisa.

18
Oct

There is no patient safety without healthcare workers’ safety — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com

This article was exclusively written for The European Sting by Mr Aahil Damani, a medical student at King’s College London (KCL), intercalating in Control of Infectious Diseases. He is affiliated to the International Federation of Medical Students Associations (IFMSA), cordial partner of The Sting. The opinions expressed in this piece belong strictly to the writer and do […]

There is no patient safety without healthcare workers’ safety — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com
17
Oct

WAREYSIGA ABARSO ALUM NIMCO ISMAIL MAXAYNU KA BARANKARNAA?

16
Oct

Businesses have a role to play in building vaccine trust. Here’s why — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com

This article is brought to you thanks to the collaboration of The European Sting with the World Economic Forum. Author: Richard Edelman, President, Edelman & Julie Louise Gerberding, Executive Vice President & Chief Patient Officer, MSD Vaccine hesitancy poses a major threat to recovery from the COVID-19 pandemic. Building and sustaining public trust and confidence in immunization systems […]

Businesses have a role to play in building vaccine trust. Here’s why — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com
15
Oct

CAASAMADA SOMALILAND EE HARGEYSA OO CABATAY

Berbera–Ethiopia highway set to turn Somaliland into “major regional  trading hub” - News - GCR
Hargeysa Oo Lagu Arkay Nin Itoobiyan Ah Oo Si Tabaruucaada Wadooyinka  Burburan Udayactiraya Iyo Ujeedadiisa | Berberatoday.com
Magaalada Hargeysa oo is-fadeexaysay + Sawirro | Caasimada Online
Halkan Ka Daawo: Roobka Ka Da'ay Magaalada Hargeisa oo Sababay Burbur uu Ku  Keenay Wadooyinka Hargeisa
Hargeisa City 2018 - YouTube

Hargeysi waa magaalo aad u quruxbadan waana Caasimada Somaliland balse waxay ka cabaneysaa dayac weyn oo ka muuqda jid la’aan qorsho xumo, Nadaafada magaalada oo la dayacay arimo badan oo kale.

Hargeysi waxay tidhi :

a) Waxaan hoy u ahay dad gaadhaya in kabadan hal milyan

b) Waxaa aan xarun u ahay Saddexda Xisbi ee qaran ee Somaliland (Kulmiye,UCID iyo Wadani) balse dayacaygu uma muuqdo

c) Waxaa aan hooy u ahay Madaxweynahayashii Somaliland Soo marey ilaa kan maanta balse mid dayacayga ka naxayaa ma arag

d) Waxaa sidoo kale oo hooy u ahay Dhamaan Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada wax garawsho ah kama hayo

e) Waxaa hooy u ahay ganacsadayaasha waaweyn ee Somaliland balse igama naxaan daryeelna kama helo.

Waxaa aan maqlayaa doorashooyinka deegaanka ee hargeysa iyo dalka oo dhan waxaan ku soo dhaweynayaa boholaha iyo godadka dhaadheer ee u eeg mid laga qotey macdan ku aasneyd, burburka wadooyinka,qorsho xumada tiirarka laydhka, qashinka iyo dhiiqada marka roobku da’o.

Hargeysi waa magaalo aad u wanaagsan balse nasiib daro may helin dadkii daryeelilahaa waana mid u muuqata qof walba manaha dacaayad,been in hargeysi dayacan tahay weliba waxaa aanu ka xishooney in aanu soo bandhigo muuqaalo dhab ah oo aad yaxyaxeesid marka aad aragto. Balse waxaa aanu eegidoonaa fariintan iney keento isbedel cida masuuliyadeeda leh.

15
Oct

Changing healthcare systems with simple technological solutions — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com

This article was exclusively written for The European Sting by Mr. Wireko Andrew Awuah, a 22 year old and currently a third – year medical student of the Medical institute of Sumy State University in Sumy, Ukraine He is affiliated to the International Federation of Medical Students Associations (IFMSA), cordial partner of The Sting. The opinions expressed in […]

Changing healthcare systems with simple technological solutions — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com
8
Oct

EU-UK relations: MEPs approve rules to ensure Eurotunnel safety and cooperation — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com

This article is brought to you in association with the European Parliament. Parliament supports legislation that aims to ensure the tunnel railway connecting continental Europe and the UK continues to operate safely and efficiently. MEPs endorsed on Thursday two proposals concerning the Channel Tunnel with the goal to maintain the same set of rules governing the […]

EU-UK relations: MEPs approve rules to ensure Eurotunnel safety and cooperation — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com
4
Oct

How women reduce maternal mortality in Somaliland | Edna Adan Ismail | TEDxAmsterdamWomen

4
Oct

Mobile health technology: Advances, Facilitations and Promotion of Autonomy — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com

This article was exclusively written for The European Sting by Ms. Raquel Japiassú Carvalho and Ms. Caroline Ayumi Waricoda Horaguti, a third-year medical student. They are affiliated to the International Federation of Medical Students Associations (IFMSA), cordial partner of The Sting. The opinions expressed in this piece belong strictly to the writers and do not necessarily reflect […]

Mobile health technology: Advances, Facilitations and Promotion of Autonomy — The European Sting – Critical News & Insights on European Politics, Economy, Foreign Affairs, Business & Technology – europeansting.com
2
Oct

Re-building resilient education systems: two lessons on the privatisation of education and one solution emerging from the COVID-19 pandemic — World Education Blog

It is well-known that the disruptions to education due to COVID-19 are enormous. In order to understand the full effects of the pandemic, members of the Privatisation Education and Human Rights Consortium, an informal network of national, regional and global organisations and individuals who collaborate to analyse and respond to the challenges posed by the […]

Re-building resilient education systems: two lessons on the privatisation of education and one solution emerging from the COVID-19 pandemic — World Education Blog
%d bloggers like this: