Sheekh Aadan Siiro oo Ifiyey doorashoda dawladaha hoose iyo muhiimadooda
Imisa Sheekh ayaa dhulkii haregeysa loo baloodheeyey ?
Jawaabta golaha degaanka hargeysa ayaa inoo sheegi!
GEESI ALLE MA XILO
Allah ha u Naxariistee dadkii ay duqeeyeen Diyaaradii Ciidamadii Qalabka Sidey ee Somaaliya Waxaa ka mid ahaa hooyaday Cosob naxariistii Jano Allah ha siiyee gacan ka xaqdaran , masuuliin naxariis laawadayaal ah amrayeen ayaa musuul ka ahaa Alle ayaa maxkamdiisa Cadaalada badan soo taagidoona gacan ku dhiiglayaashii xasuuqay hooyadey iyo shacabkii faraha badnaa ee sida xaqdarada ah lagu xasuuqay Hargeysa,Berbera,Burco, Gabiley ,Ceerigaabo iyo meelo badan oo kale.
MAXAMED IIMAAN IYO ARAGTIDIISA CAAFIMAADKA QABTA
Mudane Maxamed Iimaan Aqoon uma lihi balse hadalkiisu waa mid mudan inaanu ku suxno bogayagan.
Waxaa aan Madaxweyne Muuse Biixi kula talinaynaa in uu wax ka bedelo siyaasadiisa arimaha debeda, nabadgelya iyo arimaha technologyadaba dhiso qaran leh aqoon,sinaan,wadatashe,dimoqraadiyad dadka aqoonta leh ee reer somaliland aqoontooda ka faa’iideysto,shuruucda dalka lagu dhaqmo dib u habeyn lagu sameeyo dhaqaalaha,sharciyada iyo dhismaha qarankaba dadka daacada ah ee wadaniyiinta ah aqoonta lehna laga faa’iideysto xitaa waxaa la helayaa aqoonyahano iskaa wax u qabso dalkooda uga faa’iideynaya aqoontooda sida kuwa hawlgabka ah ee leh waayo aragnimada iyo aqoonta sare, ama kuwa kale ee u diyaarka ah dhismaha qarankooda.
Doorashada Federalka Somaliya ee soosocotaa Waxay u sansan eegtahay Afgembigii Kacaankii Siyaad bare 21 Okt 1969
Maxaa Ka jira in uu Farmaajo diyaarsanayo inuu xeelado kala duwan oo mudo badan taariikhdu xusidoontu inuu maagan yahay sidii uu Somaliya ugu soo celinlahaa xukunkii adeerkii Maxamed Siyaad?
Warbixintaa kore ka soo xigtey Youtube ka balse waa suurtowdaa in ay xaqiiqo noqoto sabatoo ah 45 kursi ee uu muqdisho lagu dooranayo ee somaliland lagu aslayo meel buu dhigtey oo gacantiisa ayey ku jiraan oo si xeeladeysan, Gedo wuxuu geestey ciidamo iyo kuraasi lagu soo doorto xildhibaano, galmud waa taa la sheegayo in uu ciidamo geeyestey,Jawhar ku dar taasi waxay ku tusaysaa in uu u tabaabusheysanayo inqilaab aan dhiig ku daadan sidii adeerkii balse dhiig badan daadindoono.
Caqli xumada Somalida waxaad ku garan kartaa 45 Somaliland lagu magacaabey caruurta ayaa garaneysa in tiro buuxsi uun tahay ee aaney Somaliland ay matalayaan,ama wax ka tarayaan aaney jirin kuwii horeba xitaa may iman mana iman karaan somaliland balse tirada doorashada madaxweynaha ayuun baa lagu buuxsadaa.